Xildihbaannada ka soo horjeeday mooshinka oo sheegay in ay ogol yihiin in cod lagu kala baxo

by admin | Sunday, Nov 30, 2014

Muqdisho : HN :– Mudanayaashii baarlamaanka Soomaaliya ee sidda weyn uga soo horjeeday mooshin laga keeno ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, ayaa sheegay in xiligan ay diyaar u yihiin in laga kala baxo si sharci ah,islamarkaana joojin doonaan buuqa iyo fowdada ay ka  dhax abuuraan fadhiyada baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka ayaa sheegay inay tanaasul sameeyeen, kadib markii ay dhowr jeer is hor-taageen mooshin uu ku tilmaamay inuu sharci daro yahay, isla markaana ay ogolaadeen in kulanka Baarlamaanka uu ku furmo si ka duwan sidii hore

“Arrinta Gudoomiyaha uu sheegay aad baan u soo dhoweynaynaa, waxayna ku timid tanaasul aan anaga sameynay, sababta aan u sameynay ma aheyn in inaan ka tanaasulnay mooshinkii sharci darada ahaa, waxaan ogolaanay wax alla wixii uu ku furmi karo kulanka Baarlamaanka uu ku furmo, taas ayaa go’aansanay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.

Waxaa uu intaa ku darray in mooshinka uu yahay sharci daro ah, isla markaana uu yahay mid siyaasadeysan, waxaana uu xusay in ayCabdi Barre Jabriil diyaar u yihiin in xildhibaanada saaxibadood ah inay ka dhaadhiciyaan in mooshinka ay la ordayaan uu qalad yahay.

“Waa mooshin siyaasadeed oo ah Bam qarxaya oo Baarlamaanka lagu soo tuuray, hadii ay diidaan talooyinkeena waxaa diyaar la nahay inaan cod ku kala baxno, waxaana ku rajo weynahay inaan ka guuleysano oo mooshinka ay la ordayaan qarka ka tuurno”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre oo wareysi siiyay BBC-da

Kulamo maalmihii u dambeeyay socday oo ay ku lug lahaayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in dib loo soo celiyo xasiloonidii kulamadii baarlamaanka, isla markaana si caadi ah oo degenaan ku jirta loo wada fariisto maalinta Tallaadada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!