Xisbiga Kulan: Dun Xariir ah & Dareen Garasho. WQ; A. M. Rooble

by admin | Saturday, Feb 28, 2015

Gunaanadka Dood Sooyaalka waqti Dheer ku jirtay oo haldoorka bulshada dunida muddo boqolaalo sano ah soo wadeen oo ku saabsaneyd waxa bulshooyinka qaar ee dunida dhinac ka saaran u sahlay in ay guulo waaweyn oo lagu nasto in badan dunida ka gaareen oo hodan u yihiin Iyo Halka kuwo kale ka dhigtay kuwa ku fashila dunidan iyo mida dambeba ileyn horey ayey dad waa jirijiray oo miirlahaa oo soomaali la dhihi jiray ugu maahmaaheen “Qofkii aduunka kaaga fiican, Aakhiran kaaga fiican”. Doodu waxeey soo jiitantaba maanta waxeey cagadhigatay in bulshooyinka barwaaqoobay oo guuleystay ay dowladnimada, dowlad wanaaga, hey’adaha dowliga & Musuqmaasuqa iyo qaraabo kiil la’aantu yihiin tiirarka dhaliya Guul wadareedka bulsheed. Dhaqaaloyahan Turkish – American ah Daron acemoglo  & Saaxiibkiis James Robin ayaa Buuga oo afka Qalaad ku qoran Maxey Qurumadu u Fashilmaan? Kusoo uruuriyay Qodobo dhowr ah balse aynu kasoo amaahanao Qodob dhahaya Waxaa Jira Dalal badan oo sabool ah waayo juquraafi ahaan dunida meelaha ay kaga yaalan & Dhaqamadooda ayaa ka dhigaya in ay sabool ahaadaan inta buunka Qiyaame ka yeeri doono. Mudane Daron & Saaxibkii James waxeey beeniyeen aragtidaa oo waxeey qabaan in hogaamiyeyaasha  Qaramadu yihiin kuwo aan hufneeyn, karti iyo hiraalna laheyn oo aanan garaneyn Jaangoynta Siyaasado Dherjin kara oo Ganni ka dhigi kara bulshooyinkooda. Hadaba marka aan fiirino Dalal badan oo boqolaal gaaraya waxaanan jirin jaangoynta siyaasadaha Bulsho, dhaqaale,& xiriir debadeed aan ku dhisneyn xog, baarid iyo qorshe iyo meel marin rasmi ah. Intaana waxaa sameeya nooca dowlad ku dhisan inta  aan kor kusoo sheegnay hadaba hadii dalkeenu yahay mid aanan awood dowladeed, maamul, maareyn ka jirin sow ma aha in loo guntado oo dadaal la muujiyo ku dhisan hab feker wadajir ah oo ka yimaada bulshada kaas oo aan aheyn fekrad laga soo guuriyay shisheeye balse dadku ay leeyihiin oo dhasha hormar siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsho.

Berri dhexdaa waxaa isheeydu qabatay aniga oo bogaga kala duwan oo internetka ku dhex lugeynaya warbixin quseysay xisbi cusub oo muqdisho looga dhawaaqay. Waxaa I galay dareen oo waxaan is iri waa tan bulshadi biseyl ayaa kasoo muuqda oo waxaa laga guurayaa nidaamyadii hore ee dhaqanka siyaasada soomaalidu ku dhisneyd ee qabyaalada oo waxaa loo socdaa hab muwaadin walba xaqiisa hogaaminta dalka iyo la hogaamiyenimada uu heli lahaa. Waxaan ku gunuunacay waxaa soo dhow cadaaladi in badan la sugayay. Waa baa beryay!.

Waxaan ogaaday markii aan bagay aqrinta warbixinta kadib in dad is urursaday oo oo karti, waayo aragnimo & hufnaan ku suntan yihiin muwaadiniinta ku dhawaaqday xisbigan kulan oo noqon doona kuwa ugu xooga badan iyo mustaqbalka wanaagsan ee dalka. Bal Maxaan ku iri sidaa? Labbo sababood. Waa mida koowaade Hogaanka sarre ee xisbiga oo ay ku jiraan dad soomaaliyeed oo maskax shiil ah oo ku suntan aqoon, waayo aragnimo, Karti  & Hufnaan. Waayadan dambe waxaa dhacday in la kala garanwaayo qofka runta u saaxibka ah iyo kan beenta ku hooyo & aabe ah. Waxaa dhacday in aan la aqoonsan, Qadarina loo muujin dadka farakutiriska ah ee hogaaminta & samatabixinta dalka mudan. Hadaanan la helin sidii masafta wax kala saara Qashinta iyo Dadka mudan dalkan Waxaa hubanti ah in dad maskax ahaan xanuunsan ina hogaamin doonaan. Kulan waxaa Hogaaminaya rag aqoon durugsan leh iyo waayo aragnimo. Waxaa Madasha daaha looga qaaday xisbiga laga sheegay in xisbiga yahay mid Wadani ah.  Soomaalida soo koreeysa sida Aniga oo kale ah Waxaanu jecelnahay inaan ku noolaano inaanu nolosha ku Qaadano Halgan iyo jihaad dalka & dadka lagu samatabixinayo kaas oo ku dhisan Dad & Wadan jeceyl  Wadaniyaduna waa taas oo Waa Sababta labaad.

Dalka Waxaa weli ka jira karti darro, fowdo & jahwareer Waxaana shaki laga qabaa suurtogalnimada in doorasho dhici doonto. Wax badan oo doorasho ka horeeyana weli lama gaarin oo sheekada waa “Faanoole Fari kama Qodna” Hogaanka Kulan Waa ku saxanyihiin marka ay ku doodayaan in sida dalka loo hogaaminayo tahay si Qaldan oo aan Munaasib aheyn Sharcigana waafaqsaneyn. Suaalo dhowr ah ayaa horyaala in xisbiga uu ka jawaabo waxaana hubanti ah in ay jawaabo iyo guulo ka keeni doonaan oo waxaa ka mid ah Diyaarinta & Dhisida Qiyamka Xisbiga? Ololeynta & Ka gadida fekradaha guunka ah ee xisbiga bulshada soomaaliyeed? Ka horumarinta danta gaarka ah tan Guud?.

Mushkilada Soomaalida oo ah tan dunida ugu fudud waxaa ka dhigaya Mida ugu adag waxaa ka mid ah in aanan la kaashan caqliga, Cilmiga iyo Cudud waayo aragnimo ah iyo iska iloowida Dhaqanka Qabyaalada Waxaa fududaanaya in laga guuleysto saameynta dunida. Kulan Waxeey Qeexeen Si faham ku jirana u soo bandhigeen mushkilada waxey tahay horaana loo yiri “Garashada Cudurka waa Dawada barked”. Waxaa u fududaaneyso Xalinta iyo soo Gunaanadka Dhibta. Waxaa irdaha loo furan doonaa neecaaw macaan, nabad iyo nolol naxariis leh.

Waxaan muddo ku taami jiray in la heli doono urur xisbi ah oo ay ku mideysan yihiin caqliyada, cududa, Garashada iyo Awooda dadka. Waxaan aaminsanaa in hadii taasu dhacdo oo dadkaa ka guuraan Caqliyada ku dhisan Qabyaalada la heli doono If yar oo soo muuqda oo ay kaliya arki karayaan inta ka kortay cudurka iyo meesha hoose ee bulshadu ay joogto. Waxyaabaha Qabyaalada shaqsiga ka koriya waxaa 1 ka ah: barbaarin wanaagsan oo helo qofka yaraantiisa 2: In uu qofku leeyahay aqoon durugsan oo dhab ah Garashana u wehliso iyo 3: In dabiici ahaan u abuurkiisu yahay qof u dhashay akhlaaq iyo anshax wanaagsan. Waxaan rajeynayaa in Xisbiga kulan iyo inta hogaanka u ah hadii ay intaan isku helaan badbaado Qaran iyo Guul Taariikhi ah keeni karaan. Waxaan filayaa in ay dhambaal sidaan balse dhambaalkaa waxa uu yahay waxaa la ogaan doonaa marka ay furaan sidi keega oo kale Aragtidiisana lagu wada farxo kaba sii darane lagu macaansado cunistiisa Qarniyada soo socda.

Ugu dambeyn Dowladnimada waa wax dhaqanka iyo nolosha bulshada ku cusub oo dowlad iyo dad ismaamula maahin muddo badan. Dowlada soomaaliyeed waxeey jirtaa in ka yar 60 sano waxaa muuqaneysa in ay jirto aqoon darro badan iyo fahamyari xaga dowlada ah. Waxaa markaa Mudan in Bulshada la baro dowladnimada laguna tuso waxqabad waana laga filayaa xisbigan inuu la yimaado oo ajandihiisa ka mid noqoto. Garashada dowladnimada bilowgi ayey xumaatay welina waa ay xuntahay waxaana qofka Soomaaliyeed iskaga qaldan Wuxuu shaqsi ahaan u leeyahay iyo Waxa Wadareed ee bulshadu leedahay. Waxaa xitaa meesha ka baxay baahidi loo qabay dowladnimada oo muddo badan oo ilaa maanta ah ma arkaan bulshada adeegi dowliga ahaa ee Bulshadu laheyd. Gunaanadki Dhamaan bulshada oo aan aniga ku jiro waxaa wanaagsan inaan is indho tirin oo aan xaqiiqada diidin balse aan u hiilino runta, Garashada & Wanaaga. Inaanu Yeelano Yoolal, Qorshe, iyo Xeelad lagu badbaadiyo laguna dhiso dad, dal iyo wax cusub oo ka duwan sooyaalkii hore Waxaana inoo furan inaan ka mid noqono taageerayaasha ama Howlwadeenada xisbiyada dalka sida Xisbigan barakeysan oo kale.

W/Q: Axmed Maxamed Roble

Qoraa & Cilmibaare

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!