Xisbiga midnimo Qaran oo war ka soo saaray khilaafka madaxda sare ee dowladda

by admin | Tuesday, Oct 28, 2014

Muqdisho : HN :– Xisbiga Midnimo Qaran ayaa war saxaafadeed uu maanta soo saaray waxaa uu walaac kaga muujiyay khilaafka soo shaac baxay ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

War saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray warbaahinta ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu u arko khilaafkaas inuu caqabad ku yahay midnimada iyo dib-u-dhiska dawladnimada.

“Khilaafkaan wuxuu niyad jab ku yahay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan iyo bulshada calaamka ee u soo joogsatay kaalmeyntalabadooda Soomaaliya. Sidoo kale, khilaafku wuxuu wiiqayaa in la dhameystiro taaabooyinka is daba-joogga ahaa ee loogu tala galay hiigsiga 2016 iyo dimoqraadiyeenta dalka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sidoo kale Xisbiga Midnimo Qaran ayaa sheegay inuu u arko khilaafka joogtada noqday ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha laga soo bilaabo sanadkii 2000 loo helo xal waara oo dastuuri ah. Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada waxaan ku baraarujineynaa in aynan la kala safaan labada ma’suul oo ay taageeraan sarreynta sharciga oo kaliya.

Xisbiga ayaa waxaa uu ka digayaa in khilaafkan uu sababo is casilaada wasiirada iyo abaabulida mooshinada. Adeegsiga dhaqanka noocaas ah ma keenin xal laga soo bilaabo 2000 oo khilaafyo noocaan ah soo taxnaayeen, haddana ma keeni karo.

Ugu dambeyntii, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Somaaliyeed midnimo, baarlamanka sharci dhawrid, xukuumada hawl-gudasho, madaxweynahana ilaalinta dastuurka iyo midnimada qaranka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!