Xog-hayaha joogtada ah ee wasaarrada arrimaha gudaha oo xilka la wareegay

by admin | Wednesday, Aug 19, 2015

Muqdisho : HN :-Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa, wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha C/rashiid Max’ed Xidig, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb-gallay munaasabad uu xilka kula wareegayay xog-hayaha joogtada ah ee wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka Prof Yaxye Sheekh Ibraahi,

Munaasabada ayaa siddoo kale waxaa goob joog ka ahaa ama ka qeyb-gallay  qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee IMG_5072Wasaaradda iyo howlwadeenno, iyadoo Prof Yaxye uu si rasmi ah ula wareegay Xilka xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda.

Xoghayihii hore ee Wasaaradda Dr Xuseen ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaradda, intii uu xilka hayay sida ay ula soo shaqeeyeen, isagoo ka codsaday in si la mid ah ay ula shaqeyaan xoghayaha joogtada ee cusub.

Prof Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay in uu u guto si xilkasnimo ay ku dheehantay, isagoo codsaday in gacan lagu siiyo howlaha loo idmaday.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa kula dardaarmay Prof Yaxye in uu si hufan u guto xilka loo magacaabay, waxaana uu ku booriyay mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda inay la shaqeeyaan mudanaha cusub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!