Xog-hayaha joogtada ah ee wasaarrada cadaallada oo la magacaabay

by admin | Sunday, Aug 23, 2015

Muqdisho : HN :–Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumad Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow

Warqadan oo ay heshay Jowhar.com ayaa ku taariikheysneyd 20-ka bishan, waxaana magacaabistan ka dambeysay markii uu sooastaanta-qaranka jeediyay Wasiirka Cadaalladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muddooyinkan magacaabayay Xoghayeyaasha joogtada ee Wasaaradaha Xukuumadda, kadib soo jeedinta Wasiirada, waxaana soconaya is bedel guud oo lagu sameynayo Agaasimayaasha iyo Xoghayeyaasha joogtada ee wasaaradaha, kuwaasoo muddo xilalka haya.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa horay u ahaa xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo jagadaas loo magacaabay Yaxye Cali Ibraahim.

Dr.ismail

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!