Xog–hayaha QM oo kulan la qaatay madaxda ugu sareysa dalka

by admin | Wednesday, Oct 29, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxda ugu sareeysa ee dalka ayaa maanta kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyadoo kulanka ay masuuliyiintani uga hadleen arimo dhowr ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuba ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya ayna kala  shaqeyn doonaan dhinacyada horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la timid waxqabad ballaaran ayna ku taagantahay wadada saxda ah, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen caqabado uu sheegay in ay weli ka jiraan dalka.

“Waxaan ognahay siyaasadda, dowlad wanaagga, amniga iyo horumarka wax badan oo la taaban karo ayaa iska badalay, tan labaadBan-iyo-madaxda-dowladda-Soomaaliya Qaramada Midoobay, Bankiga aduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Madaxweeynaha Bankiga Aduunka Jim Yong Kim oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in nabad iyo xasilooni ay tiirar muhiim ah u yihiin in la yareeyo saboolnimada ka jirta Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed loona baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay isu kaashadaan sidii ay u taageeri lahaayeen nabadda.

Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed oo isna goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray, isagoo xusay in maanta wax lagu farxo ay tahay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii dowladnimada, isagoo xusay in dalka ay ka soconayaan hirgelinta nidaamka federaalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xoogga saareeyso sidii Soomaaliya ay cagaheeda ugu istaagi lahayd, isagoo sheegay in 2016-ka ay ku rajo weynyihiin in Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyin xor ah.

Madaxweeynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud oo isna ka hadlay kulankii maanta ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay wafdiga maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay in imaatinkooda Muqdisho ay suurogeliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay in ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga goobaha ay gacanta ku heeyso dowladda Soomaaliya.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee maanta soo gaaray Muqdisho ay ka rajeeynayaan in ay wax badan qaban doonaan, waxaana ugu danbeyntii ay labada dhinac kala sixiixdeen heshiis wada shaqeyn rasmi ah oo dhexmari doonta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Booqashad wafdiga Ban Ki Moon ayaa ku soo beegantay xili uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxweeynae Xasan Sheekh Max’uud iyo Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed, kaasoo ka dhashay kadib markii ra’isul wasaaraha dalka uu isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada ee xukuumaddiisa,  taasoo uu madaxweeynuhu wax kama jiraan ku tilmaamay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!