Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u gallay deegaanno ka tirsan dalka Kenya

by admin | Friday, May 22, 2015

Gaarisa : HN :–Warar naga soo gaaraya gobolka W/bari dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha ilaa saddex tuulo, waxaana la sheegay in dhowr saacadood ku sugnaayeen deegaannada ay gaareen.

Wararka laga hellayo deegaannada hoostaga Gaarisa iyo Mandhera ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka taageen calanka madow ee dhexda towxiidka kaga qoran yahay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalyahanada ay xalay gudaha u galeen Tuulada Yumbis, halkaasoo dadkii deegaanka meel isugualshabaab keenay, kalana saaray ragga iyo haweenka, dabadeedna khudbad u jeediyay.

Waxaa kaloo dagaalyahanada Al-Shabaab ay galeen deegaanka Haluqo oo hoos tagta deegaanka Gaarisa, waxaana saacado kadib la sheegay inay isaga baxeen

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka Kenya inay dagaal kala hortageen Maleeshiyada Al-Shabaab ee galay Tuulada Yumbus ee dhacda waqooyi bari magaalada Gaarisa.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in deegaanada dhaca xuduuda aanay ciidamo xoogan geyn, taasna ay keentay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab inay soo galaan oo ay muddo heystaan.

Habeen hore ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay khudbad ka jeediyeen masaajid ku yaala magaalada Gaarisa,

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerartay Jaamacada Gaarisa, halkaasoo lagu dilay dad ka badan 140 ruux u badnaa arday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!