Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo wareegay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug

by admin | Friday, Oct 2, 2015

Mudug : HN :– Wararka naga soo gaaray gobolka Mudug ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab la wareegeen deegaan Camaara oo ka tirsan gobolka Mudug, islamarkaana ah deegaan muhiim u ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dadka deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaalyahano hubeesan oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaanaAl_shabab_Somalia_Baidoa hubeysan hub kala duwan saakay la wareegeen deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug halkaas ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada deegaanka.

Al-Shabaab ayaa hakad galiyay dhaq-dhaqaaqa dadka deegaanka ay maanta la wareegeen, waxa ayna dagaalyahanada Al-Shabaab ay halkaasi ka wadaan howlgalo ay amaanka ku xaqiijinayaan.

Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin qabasashada Al-shabaab ee deegaanka Camaara, waxaana Al-Shabaab ay hada wadaan qorshe ay kula wareegayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!