Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo weerar ka geystay dulleedka Mandheera

by wadani | Monday, Dec 14, 2015

Mandheera : HN :–Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya oo marayay duleedka degmada Mandera.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, halka labo kalena ku dhaawacmeen weerarkan, sida ay xaqiijiyeen Alshabaab-dagaal1Saraakiisha Kenya.

Guddoomiyaha degmada Mandera Fredrick Shisia ayaa sheegay in kolonyada ciidamada ay ka soo baxday magaalada Nairobi kuna safraysay magaalada Mandera, waxaana weerarka uu ku qabsatay degaanada Elwak iyo Lafey.

Fredrick Shisia ayaa sheegay in iyadoo ay ciidamada Kenya ay joogan Xadka Soomaliya iyo Kenya hadana ay Al-Shabab ay u suurta gashay in ay ka soo talaabaan xadka.

Ugu danbeyntii, Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka geysatay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka waqooyi bari, waxaana maalmihii u dambeeyay la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab gudaha u galeen tuulooyin u dhow Gaarisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!