Xoogaga Al-shabaab oo soo bandhigay sawirada weerarkii bishii hore ay ku qaadeen Yaaq-bari weyne

by admin | Friday, Oct 9, 2015

2015109635799818755888355Sawirro_Weerarkii_Yaaq_bari_weyne (9)Muqdisho : HN :– Xoogagga Al-shabaab ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sawirada weerarkii bishii hore ay ku qaadeen xero militari oo ay deganaayeen ciidammada midowgga Africa AMISOM, kaa oo ay ku dhiteen in ka badan 15 askari oo ka tirsan ciidammada midowgga Africa.

Warbixin ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay in dagaalkaas ay ku dileen 15 ka mid ah askartii dowladda ee saldhiggaas ku sugnaa, ayna gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii ciidamada Somalia ee saldhiggaas yaallay.

2015109635799815207299258Sawirro_Weerarkii_Yaaq_bari_weyne (6)Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in afar ka mid ah gaadiidka ciidamada ee dowladda ay ku furteen dagaalkaas, kuwaasoo ay kusoo bandhigeen sawirradan ay baahiyeen.

Muuqaaladan oo ay Al-shabaab soo bandhigtay maalin ka hor ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo ay sheegeen inay iyagoo nool gacanta ku dhigeen; inkastoo xeradii ay dib ugu laabteen ciidamadii dowladda Somalia ee horay ugu sugnaa.

Ugu dambeyn, dowladda Somalia oo hadal kooban kasoo saartay weerarkaas oo dhacay maalin jimco ah ayaa lagu sheegay in 10-askari oo ciidamada dowladda ka tirsan lagu dilay, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal kuwo kalena lagu qabsaday.

2015109635799814835644903Sawirro_Weerarkii_Yaaq_bari_weyne (4)2015109635799814936420268Sawirro_Weerarkii_Yaaq_bari_weyne (5)2015109635799814390953998Sawirro_Weerarkii_Yaaq_bari_weyne (1)2015109635799814688599496Sawirro_Weerarkii_Yaaq_bari_weyne (2)2015109635799815806415959Sawirro_Weerarkii_Yaaq_bari_weyne (7)Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!