Xoogaga Al-shabaab oo weeraray fariisin ciidammada dowladda ay ku lahaayeen Jowhar

by admin | Sunday, Oct 4, 2015

Jowhar : HN :–Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus habeennimadii xalay ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Sabuun oo dhinaca Waqoyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar illaa iyo 15km.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu dhexmaray labada dhinac, iyadoo rasaasta la is weydaarsanayay laga alshabaabmaqlayay deegaanada ku dhow dhow Sabuun.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, ayna qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba gaarsiiyeen dagaalyahanadii soo weeraray.

Hase yeeshee warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa soo qoray in ay xoogaga Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Sabuun ayna gacanta ku dhigeen saldhigga ay ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaas.

Waa markii ugu horeysay ee ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo weeraraan deegaanka Sabuun tan iyo markii lagala wareegay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!