Xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanno ka tirsan Shabeellaha hoose

by admin | Friday, May 15, 2015

Sh/hoose : HN :–Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay dagaal kula wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka, gaar ahaan Awdheegle iyo Mubaarak.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalo xalay saqdii dhexe bilowday ay ilaa saaka waabarigii ka socdeen degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak, oo labadaba qiyaastii illaa 70KM dhanka galbeed ka xiga Caasimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlayay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in deegaanadaasalsh ay qabsadeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu horay uga digay ka bixitaanka labadaas deegaan labo bilood ka hor, markii Ciidankii AMISOM ee ku sugnaa halkaas isaga baxeen.

“Labo bilood ka hor ayaa ka dignay ka bixitaanka AMISOM ee deegaanadaas, saaka waabarigii waxaa halkaas weeraray Al-Shabaab, weyna la wareegeen”ayuu yiri C/qaadir Siidii oo xusay in Ciidamada dowladda ee deegaanadaas ku sugnaa laga dilay afar askari.

Sidoo kale C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah ay ku baxeen deegaanka, si ay dib ula wareegaan, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay ku dhow yihiin deegaanadaas.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Awdheegle iyo Mubaarak ay ku dileen ilaa 10-askari, ayna ku qabsadeen saddex gaadiidka dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in wali dagaalyahano afka u duuban ay ku sugan yihiin Awdheegle iyo Mubaarak.

Ciidamada AMISOM oo dhowaan baneeyay fariisimihii deegaanadaas ayaa ku wareejiyay Ciidamo Soomaali ah, waxaana ka bixitaankooda ay ku sheegeen heshiis dhex maray iyaga iyo madaxda sare oo ku aadanaa in Ciidamada dowladda lagu wareejiyo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!