Xoogagga Al-shabaab oo isaga baxay degmada Diinsoor ee gobolka Baay

by admin | Thursday, Jul 23, 2015

Diinsoor :HN :–Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab gabi ahaanba isaga baxeen degmada Diinoor, waxaana wararku sheegayaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM kaabiga ku hayaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidammada isbaheysanaya ku sugan yihiin hadda meel 7-KM oo keliya u jirta Degmadaas oo ka mid ahayd Degmooyinkii ay Al-shabaab kaga Suganayd Gobolka Bay.

Degmada Diinsoor oo khiyaasii 120-km u Jirta Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayay ciidamadaMagaalada_Diinsoor_Gobolka_Bay_HOL isbahaysanaya waxay guluf ugu jireen maalmihii lasoo dhaafay sidii degmadaas ay uga Qabsan lahaayeen Al-shabaab.

Shacabkii ku noolaa degmada Diinsoor ayaa ka barakacay, iyagoo ka baqdin qabay inay ku dagaalamaan Xoogagga huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo la sheegayo in degmadu ay haatan tahay mid faaruq ah oo aysan dhinacna ku sugnayn.

Xoogaggii Al-shabaab ee ka baxay Degmadaas ayaan la ogeyn halka ay Aadeen, iyadoo Degmadan ay Noqonayso tii labaad oo ay ka baxaan Muddo 24-saac laga joogo, kaddib markii Shalay ay isaga baxeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay qabsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia.

Weli kama aysan Hadalin Al-shabaab ka Bixitaankeeda Degmada Diinsoor, iyadoo sidoo kalena aysan dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM aysan iyaguna kasoo saarin wax war ah ka bixitaanka Al-shabaab ee degmada Diinsoor.

Dhanka kale, Wararka laga Helayo Gobollada Bay iyo Gedo ayaa iyagana Sheegaya inay Al-shabaab dib ugu laabatay deegaanno ay horay uga Qabsadeen AMISOM iyo ciidamada Dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay inay dib ula wareegeen 11 deegaan oo ku yaalla Gobollada Bay iyo Gedo, kuwaasoo ay horay uga qabsadeen ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee is-garabsanaya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!