Xoogagga Al-shabaab oo weerar ismiidaamin ah ku qaadatay xero ay degan yihiin ciidammad AMISOM

by admin | Friday, Jun 26, 2015

Leego : HN :- -Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in Al-shabaab weerar culus subaxnimadii hore ee saakay ku qaadeen xero ay deganaayeen ciidammada AMISOM deegaanka Leego.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid ku bilowday qarax weyn oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa lalshabaabaga soo buuxiyay uu kaxeynayay ruux naftii hure ah oo ku qarxay meel ku dhow albaabka xerada

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib uu bilowday dagaal culus oo ku faafay dhamaan deegaanka Leego, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegeen in rasaas culus la is dhaafsanayay.

Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku soo qoray inay la wareegeen saldhiga Ciidamada AMISOM, ayna dileen tiro badan oo ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare xoog leh oo ka soo gaaray weerarkaas Ciidamada AMISOM, ayna jiraan gaadiidkooda oo dab la qabadsiiyay.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaraaha ka dhashay dagaalkan, waxaana Guddoomiyaha deegaanka Leego uu sheegay in dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay deegaanka.

Tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Radamaan Al-shabaab waxaa ay kordhiyeen weerarada, waxaana ay ku hanjabeen inay weeraro lixaad leh ku qaadayaan dowladda iyo AMISOM goobaha ay joogaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!