Xoogagga Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose

by admin | Wednesday, Mar 11, 2015

Wanlaweyn : HN :– Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in hanbeenimadii xalay saacado kooban la wareegeen degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo iska hor imaad kooban uu ka dhacay degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe abaarihii 1-dii habeenimo ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo galeen degmada, dabadeedna qabsaday saldhiga booliska.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanada soo galay degmada oo aad u badnaa ay qaadayeen Takbiirta, muddo ku dhow labo saacadood ay joogeen.

Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in Al-Shabaab si kedis ah ay ku soo weerareen degmada, waxaana uu xusay in magaalada gudaheeda aanay wax ciidan ah joogin marka laga reebo ciidamada Milateriga oo daafaha magaalada degan.

Ciidamo fara badan oo isugu jira AMISOM iyo Milateriga ayaa saakay gaaray degmada, kuwaasoo ka kala tagay garoonka Balli-doogle iyoalshabaab Leego.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa u sheegay warbaahinta in xalay ciidamo fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen Wanlaweyn, isagoo xusay in ciidamadan ay ka baxsanayaan duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysanayaan Sh/Hoose, waxaana uu tilmaamay inay aadayaan dhinaca iyo Shabeellaha Dhexe.

Wanlaweyn oo ku taal wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ah meel istiraatiiji ah, waxayna ka mid aheyd deegaanadii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sanado ka hor.

Hiiraan Net,

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!