Xoogagga Al-shabaab oo xalay weeray xabsiga magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Aug 10, 2015

Beledweyne : HN :–Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar culus oo khasaare geystay ku qaaday xabsiga magaalada Beledweyne, oo waqtigaa ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Guud ahaan xaafaddaha ay magalada ka kooban tahay ayaa laga maqlay hub kala duwan oo ay is wadaarsanayeen kooxaha weerarka

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

soo qaaday iyo ciidammadii goobtaa ku sugnaa.

Dagaalka ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, siddoo kalana waxaa jiray dhaawac ay horay u sii qaateen laakiin aan la xaqiijin tiradooda rasmiga.

Saraakiisha ciidammadii ku sugnaa xabsiga oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay ka sii war-hayeen weerarka kana foojignaayeen mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidammada iyo maxaabiistii ku xirneyd xabsiga intaba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!