Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo weeraray degmada Wajeer ee gobolka W/bari Kenya

by admin | Wednesday, Mar 18, 2015

Wajeer : HN :–Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa afar qof ku dilay magaalada Wajeer ee dalka Kenya kaddib markii ay weerar magaaladaas ku qaadeen sida ay booliiska Kenya sheegeen maanta oo Arbaco ah.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen degmada oo ku dhow soohdinta; iyadoo kooxdu ay weerartay dukaan ku yaalla dhanka waqooyi-bari degmadaas oo 100-km u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Kooxdan ayaa weerarkooda u isticmaalay bambooyinka gacanta laga tuuro, rasaas nool iyo waxyaabo kale oo qarxa sida ay sheegeen dadkii goobjoogayaasha ahaa.

“Dadka waxay ku xirneen gudaha dukaanka, jiho walbana rasaas ayay kaga fureen. Saddex ka mid ah afarta qof waxay ku dhinteenalshabaab gudaha dukaanka, ruuxa kalena wuxuu ku dhintay isbitaalka,” ayuu yiri Max’ed Siyaad oo ka mid ah saraakiisha magaladaas.

Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ay ku qaaday degmada Wajeer ee dalka Kenya, iyadoo la xusuusto in kooxdu ay toddobaadkii aan soo dhaafnay weerareen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba inkastoo uu ka badbaaday weerarkaas.

Magaalooyinka ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin Wajeer iyo Mandheera ayaa inta badan la kulma weerro ay Al-shabaab la beegsato, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay gudaha Somalia 2011-kii.

Xukuumadda dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ku wareersan tahay wax ka qabashada ammaanka gudaha dalkeeda, iyadoo gudaha wadankaas ay si is-daba jooga ah uga dhacaan weerarro iyo qaraxyo ay geysanayaan kooxo hubeysan.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!