Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday saldhig ku yaala Bosaaso

by admin | Sunday, Feb 8, 2015

Boosaaso : HN :–Saraakiisha xarrakada Al-shabaaab ayaa sheegtay weerar xalay lagu qaaday degmada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland.

Waxaa ay sheegeen in ay weerareen guri uu deggenaa taliye ku xigeenka ciidamada Puntland, Jen. Muxyadiin Axmed Muuse, isla markaana ay illaa afar askari oo Puntland ka tirsanna ay ku dileen weerarkaas.

“Xoogagga Al-shabaab ee Puntland ku sugan xalay waxay fuliyeen weerar ay doonayeen inay qaarajiyaan taliye ku-xigeenkajh ciidamada Puntland,” ayaa lagu yiri warka Al-shabaab kasoo baxay.

Weerarka ayaa ahaa mid si aad ah looga dareemay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland, iyadoo wararka laga helayo ay sheegayaan inuu ku dhintay weerarkaas hal askari ciidamada Puntland ka tirsan.

Taliye ku xigeenka ciidamada Puntland, Jen. Muxyadiin ayaa isku day dil oo ay ku qaarijin Al-shabaab ka badbaaday bishii Feberaayo 2013-kii, kaasoo lagula eegtay Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka Mudug.

Si kastaba ha haaatee, weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Puntland ay dagaal adag la gashay bilihii lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab ee buuraha Galgala ku sugan, halkaasoo tan iyo sannadkii 2010-kii u ahayd saldhig ay kasoo duulaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!