Xoolo dhaqato Soomaali ah iyo kuwa Masai ah oo ku muransan dhul daaqsin ah dalka Kenya

by Yahye | Saturday, Nov 22, 2014

Nairobi: HN:- Degmada Kijiado ee dalka Kenya illaa 200 dumar ah oo kasoo jeeda qowmiyadda Masai-da ayaa la sheegey in ay kaxeeyeen illaa 2 kun oo neef oo geel ah oo ay dad Soomaali ah leeyihiin, kuwaasi oo daaqsimayay xirmooyinka halkaasi ku yaala.

Waxa ay qoowmiyadda Masai-da sheegayaan in geela Soomaalida uu yahay mid dhufaan ah, xoolahoodana qaadsiinaya cuduro.

Dumarkani oo geela dabada oga jira ayaa dhexmariyey degmada Kijiado, kadibna hor geeyey xafiiska guddoomiyaha degmada oo ay oga cawdeen arrinkani, waxay tani keentey in isu socodkii magaalada uu hakad galo mudo saacado ah.

KenyaMid ka mid ah dumarka ayaa sheegtey in aysan suurogal ahayn in ay wada dagaan dad xitaa afka sawaaxiliga aanan ku hadlin. Waxay sheegtey in biloowgii ay dad yar u ogolaadeen in ay xoolahooda daaqsimaan degmada, balse muddo kadib Soomaalida ay xoolo badan geeysatay halkaasi.

Kijiado ayaa waxaa degen Soomaali aad u badan, waxayna ka mid tahay meelaha aadka loo deegaamaystay, reerahana la dajistay, kana furanyihiin malcamada iyo iskuulaad ay caruuro badan dhigtaan.

Lama oga in arrintani ay xiriir la leedahay xiisadaha ka dhex oogan qoowmiyadaha kale ee Kenya iyo dadka Muslimiinta ah.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!