Xoriyadda iyo Gumeysiga. WQ. WQ; Omer Suleiman Ali

by Yahye | Wednesday, Nov 13, 2013

Qofku wuxuu dhashaa isaga oo xor ah ka dib ayaa la gumaysan karaa, sidaas darteed waxaan doodayda ku furayaa xoriyadda. Marka waxaa ugu horrayn loo baahan yahay in la isku af garto waxa ay xoriyadi tahay. Xoriyaddu waa madax bannaani uu qof ama ummadi ay iyaga taladoodu ka go’do oo ay gacanta ugu jirto, cid kale oo shisheeye iyo sokeeye toona ahi ku amar ku taaglaynin. Markii ay ummadi tahay xor iyaga ayaa iska leh taladooda wixii u dan ahna samaysta, horumarkooda iyo noloshoodana iyaga ayaa jaan goosta. Waxaan xoriyadda ku soo gunaanadayaa waa in uu qofka ka madax bannaan yahay amar-ku-taaglayn aadami shisheeye iyo sokeeye kii uu noqdaba.

Qofku ama ummadi amar-ku-taaglaynta abuurka kale oo dhan kama noqon karo mid ka ah xor waayo dhammaan waxay aadamiga ku lee yihiin xiriir uu Alle ka dhexaysiiyey. Matal hawada la neefsado ma odhan kartid dooni maayo waayo waad dhimanaysaa, sidaas darteed jiritaankaaga ayaa ku dhisan kamana maarantid. Sidoo kale waxaadan ka maarmin biyaha, tamarta qorraxda oo iyada oo midabka cagaaran ee caleenta dhirto noo sameeyaan cuntada aynu ugu nool nahay in aynu Alle ku caabudno. Amar-ku-taaglaynta Allena kama maaranno oo wax kasta oo aynu nolosheenna adduunyo iyo midda aakhiraba uga baahan nahay isaga ayaa noo abuuray, la’aantiisna ma jiri karno, sidaas darteed kama xoroobaynno isaga taas oo uu macnaheedu yahay kama maaranno waynuna ku qasban nahay in aynu ogoolaanno innaga oo weliba jecel in aynu u ahaanno addoommo isaga mooyee aan cid kale ka yeelin amar-ku-taagayn. Marka waxaan xornimada ku soo gunaanadayaa in ay tahay qof ama ummad aan Alle mooyee cid kale lahayn.

Waxaan jeclaan lahaa in aan soo qaato aayaddan Quraanka ka midka ah ee ka hadlaysa Maryama Binta Cimraan hooyadeed oo Alle baryeysa waxayna dhahday.

إِذْ قَالَتِ امْرَأَتُ عِمْرَانَ رَبِّ إِنِّي نَذَرْتُ لَكَ مَا فِي بَطْنِي مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّي ۖ إِنَّكَ أَنْتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ 

Waa tii ay lahayd afadii Cimraan Eebahayaw waxaan ilmaha calooshayda ku jira kaaga baryayaa in uu noqdo mid adiga mooyee cid kale lahayn oo adiga dhibaato oo dhan uga xorooba.

Sidaas darteed markii uu qofka wax kasta oo dhibaato uga imaan karto oo ka badbaadsan yahay ayuu xor yahay, waayo amar-ku-taaglaynta dadkuna waa dhibaato midda Allena waa badbaado.

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ أَن يَقْتُلَ مُؤْمِناً إِلاَّ خَطَئاً وَمَن قَتَلَ مُؤْمِناً خَطَئاً فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ وَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَى أَهْلِهِ إِلاَّ أَن يَصَّدَّقُواْ فَإِن كَانَ مِن قَوْمٍ عَدُوٍّ لَّكُمْ وَهُوَ مْؤْمِنٌ فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ وَإِن كَانَ مِن قَوْمٍ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ مِّيثَاقٌ فَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَى أَهْلِهِ وَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةً فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ تَوْبَةً مِّنَ اللّهِ وَكَانَ اللّهُ عَلِيماً حَكِيماً  

Ma aha in ruux mu’min ahi uu si kama’ ah mooyee si badheedha ah uu ku dilo ruux mu’min ah, haddaba qofka kama’ ku dila ruux mu’min ah waa in uu ruux mu’min ah qoorta xadhiga looga xidhtay oo la lee yahay uu xadhiggii qoorta uga furo uuna xoreeyo, waana in  haddii aanay u dhaafin oo aanay sadaqadaysan uu bixiyo diyo faraha laga saaro qoyskii uu qofka ka dilay, haddii qofka aad dishay ciddiisa iyo ciddaada ay colaadi ka dhexayso uuna yahay mu’min waa in mu’min qoorta laga xidhtay uu ka furo, haddii uu ka tirsanaa qolo ay idinka iyo iyaga ka dhexaysay heshiisna waa in uu wuxuu is raacinayaa mag uu siiyo qoskii qofka laga dilay iyo mu’min qoorta laga xidhtay oo uu ka furo oo loola jeedo xoreeyo, ruuxii aan awoodin xag dhaqaale arrinkaas waa in uu soomo laba bilood oo xiriir ah, intaas ayaa u noqonaysa toobad Alle, Allena lagama aqoon badna jaan gooyadiisa ayaana lagu wada xakamaysan yahay.

Aayadaha faraha badan ee ay ku jirto فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ waxaa looga jeedaa qofkii u ah addoon qof kale oo isaga oo kale aadami ah waana dembi xun, sida ka sugnaatay xadiiskii Rasuulka csw ee yidhi ruuxii addoonsada ruux xornimo aan ku dhaliyey aniga ayaa ka gudaya.

Marka xoriyaddu waa madax bannaanid laga madax bannaan yahay amar-ku-taaglayn aadami. Haddii laga madax bannaanaado Alle lama jirayo markaasna xoriyad lagama hadlayo, waayo ma jiraysid. Marka xoriyaddu waa lidka addoonimada, marka haddii aad aadami u noqoto addoon ayaa la diidayaa laakiin in Alle addoon loo noqdo waxay ka mid tahay xoriyadda, waayo markii aad Alle u tahay addoon waxaa meesha ka baxaya amar-ku-taagleynta aadamiga oo ah wax aad u xun.

Waxaa aad addoon u noqon kartaa cidda noloshaada adduunyo oo dhan iyo aayahaaga dambe ee aakhiro oo dhammi ay gacantiisa ku jiraan kaasina waa Ilaah ee ma noqon karo aadami si kasta oo uu u awood weyn yahay.

Sidaas darteed waxaan ku soo gunaanadayaa in qofka uu Ilaah tooska u xukumo yahay xor qofka aadami xukumo walaalkaana Alle ha ka dhigee uu ku sugan yahay gumaysi. Marka waxaan u arkaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan Somaliland, Puntland, Galmudug, Xibin iyo Xeeb, Federalka, Jubbaland, Bayland, Gedoland, Hiiraanland iyo fatuudLand in ay dhammaan ku sugan yihiin gumaysi hase yeeshee ay xor isu qabaan.

XUKUNKA ALLE AYAA XORNIMO AH XUKUNKA AADAMIGUNA WAA GUMAYSI

 

OMER SULEIMAN ALI03/11/13

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!