Xubnihii Soomaaliland uga qeyb-gali lahaa wadda hadallada DF oo Istanbuul gaaray

by admin | Saturday, Nov 29, 2014

Istanbul : HN :–Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga gaaray xubnihii uga qeyb-galli lahaa Soomaaliland wadda hadalladii kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo wafdigaan horkacaya ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan inay ka qayb-galaan wada-hadallada, inkastoo aanay wali dowladda Somalia shaacin wafdiga uga qayb-geli doona wadahadallada.

Wasiirka wasaarrada madaxtooyada Somaliland, Xirsi Xaaji Cali oo ka mid ah wafdiga ayaa sheegay in haddii ay yihiin Somaliland ay diyaar u yihiin mar walba in wada-hadalladu sii socdaan ayna diyaar u yihiin fulinta qodobbadii shirarkii hore lagu heshiiyay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ajandayaasha wadahadallada ay yihiin sidii loo hirgelin lahaa guddigii farsamada ee labada dhinac iyowasiirka-arimaha-dibada-somaliland sidii go’aano looga gaari lahaa waxyaabihii horay looga heshiiyay.

Wadahadallada u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa dhowr jeer hakaday, iyadoo dowladda Somalia ay weydiisatay dhawaan in dib loo dhigo wadahadallada tan iyo markii uu billowday sannadkan.

Guddigii horay Somalia uga qaybgalay wadahadalada oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga, C/kariin Xuseen Guuleed uu is-casilay bartamihii sannadkan, kaddib weerarro ay Al-shabaab ku qaadday dhismaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay magacawdo gudigii uga qeyb-geli lahaa wadahadallada, isla markaana ay dhawaan u diri doono dalka Turkiga si ay wadahadalladu u billowdaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!