Xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay ciidammada dowladda ee gobolka Gedo

by admin | Monday, Aug 17, 2015

Gedo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab isu dhiibeen ciidanka dowladda, iyadoo la soo dhoweyay.

Sarkaal u hadllay ciidammada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabay Jaamac Muuse ayaa sheegay saddex ka mid Al-Shabaab ooalshabaab uu ku jiro nin Amiir ah ay isu soo dhiibeen.

“Waxaa ciidamada isku soo dhiibay saddex maleeshiyo oo nin amiir ah ku jiray, waa la soo dhoweeyay, anaga gacanta ku heyna, si wanaagsan ayaana loola dhaqmay”ayuu yiri Sarkaalkan lagu magacaabo Jaamac Muuse oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay isu soo dhiibeen dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Sarkaal isna la sheegay in Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka zako uruurinta Gobolka Bakool ayaa isagana isu dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo.

Ugu danbeyntii howlgalka ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobollada dalka ayaa Al-Shabaab waxaa looga saaray deegaano muhiim ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!