XUKUN AADAMI WAA GUMAYSI XORNA WAA XUKUN ALLE.

by admin | Tuesday, Mar 6, 2012

Waxaa siyaaso ugu horreeyey geyiga Soomaaliyeed gumaysigii qabsaday Afrika intii ka dambaysay shirkii gumaysatadu ku yeelatay Baarliin 1884kii. Dad xukuma dad gumaysiga ayaa noogu horreeyey intii ka horraysay Soomaalidu gaar ahaan waxay ku dhaqmi jireen shareecada Islaamka. Waa arrin diinta Islaamka ku ah dembi culus in qof ama koox isku magacawday dawlad ama xukuumad ay xukunto ummad Islaam ah. Mana aha in ummad Islaam sheegataa ay ogolaato xukun aadami. Xukunka waxaa iska leh Alle oo keliya macnaheedu waxa weeye sharcigiisa oo lagu dhaqmo mooyee sharci kale lama yeelan karo ciddii yeelataana waa mushrikiin caabudda cidda sharcigaas u dejisay ee xukunta, ciddaas ayayna u yihiin addoomo Alle ka sokow.

إِنَّا أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللَّهُ وَلَا تَكُنْ لِلْخَائِنِينَ خَصِيمًا(النساء105)

Waxaanu kuu soo dejinnay kitaab xaqa sugaya si aad dadka ugu xukunto intii lagaa baro, kuwa khaa’iniinta ahna ha u noqon qareen daaficin.

Aayaddan oo keliya ma aha laakiin aayadaha Alle noogu sheegayo in uu isagu xukunka lee yahay aad ayay u tiro badan yihiin. Bar arka aayaddan kale ee uu Alle noogu sheegayo in uu isagu ku sameeyey abuurka lixda maalmood ka dibna uu ku ekaaday carshigiisa isaga oo abuurkii amaro ay ku kala socdaan siinaya. Dadkuna waxay ka mid yihiin abuurka amarada ay ku kala socdaan la siinayo.

إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَى عَلَى الْعَرْشِ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ مَا مِنْ شَفِيعٍ إِلَّا مِنْ بَعْدِ إِذْنِهِ ذَلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ(يونس 3).

Dadku meel ayay iska dhaafsan yihiin laakiin haddii ay fekeraan waxay u jeedaan in amarka uu adduunku ku kala socdo aanay wax shaqo ah ku lahayn waxna ka beddeli karin hase yeeshee ay noloshooda ku bineeyaan sidii ay ugu dhex badbaadi lahaayeen masaa’ibka dabiiciga ah ee adduunka ka dhaca.

ثُمَّ أَنْزَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ بَعْدِ الْغَمِّ أَمَنَةً نُعَاسًا يَغْشَى طَائِفَةً مِنْكُمْ وَطَائِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنْفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِاللَّهِ غَيْرَ الْحَقِّ ظَنَّ الْجَاهِلِيَّةِ يَقُولُونَ هَلْ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ مِنْ شَيْءٍ قُلْ إِنَّ الْأَمْرَ كُلَّهُ لِلَّهِ يُخْفُونَ فِي أَنْفُسِهِمْ مَا لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ مَا قُتِلْنَا هَاهُنَا قُلْ لَوْ كُنْتُمْ فِي بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ الَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقَتْلُ إِلَى مَضَاجِعِهِمْ وَلِيَبْتَلِيَ اللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ(آل عمران 154).

Bal aayaddanna arka kuwa Alle qaladka ka fahmasani waxay waa kuwa leh horta talada wax ma ku lee nahay ee waxaad u sheegtaa in talo oo dhan Alle iska lee yahay waxayna ka qarinayaan haddii aannu talada wax ku yeelan lahayn meeshaas nalaguma soo laayeen, ee waxaad ku dhahdaa haddii aad fadhin lahaydeen guryihiinna ruuxii in uu maalinkaas dagaalkaas ku dhinto u qornayd wuu ku dhiman lahaa.
Aayadahaas oo dhammi iyo kuwo kaleba in xukunka iyo talada adduunka uu Alle iska lee yahay cid la wadaagtaana jirin. Inta uu dadku garan la’yahayna waa intaas, waayo gaalada ayaa leh dhaqankaas iayga ayaynuna ka soo baranay.

Waxaa la moodaa in Soomaalidu aad u weydaarsan tahay macnaha aayadahaas dawlad ku sheegtu waxaa ka muuqata in beesha caalamka la’aantood aanay dawladi u dhism karin Allena meeshaba ma yaal. Waxaad arkaysaan dadkii Soomaaliyeed culumo iyo caamaba iyaga oo ku haya beesha caalamku wax ha nala soo gaadho Allena aan mar keliya u sheeganayn baahidooda. Idinka ayaa idin weydiinayaa ee dadkaas ma muslimiin baa mase waa munaafaqiin mase waa mushrikiinba? Waxaan anigu lee yahay waa mushrikiin aan is ogayn.

Puntland baahida ay ka lee dahay gaalo waxay u muujisaa iyaga oo ku raalli gelinaya gaalada in aanay jeclayn diinta waxayna dagaal kula jiraan culumada Islaamka inta gaaladu raallida ka tahay mooyee inta kale. Nin gaalo raalli ka noqotayna wuxuu Alle noo sheegay in uu yahay gaal iyaga oo kale ah.

وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلَا النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ قُلْ إِنَّ هُدَى اللَّهِ هُوَ الْهُدَى وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُمْ بَعْدَ الَّذِي جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللَّهِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ(البقرة 120).

Maamulka ka dhisan Puntland iyo kan la doonayo in hadda ka dib loo yagleelo Soomaaliya waa nooc ka mid ah gumaysigii ay waajibka nagu tahay in la iska xoreeyo. Xukun aadami wax kale ma aha ee waa gumaysi xukunka Allena waa xornimo dhammaystiran oo aan nusqaal lahayn.

Somaliland jacaylka gaalo geed dheer iyo geed gaabanba waa u fuushay iyaga oo doonaya in ay ka helaan aqoonsi si ay aayahooda uga tashadaan. Hase yeeshee miyaanay walaalay Somaliland rumaysnayn in uu Alle keliyihi waxa ay doonayaan siin karo. Haddii xumaanta ay ku socdaan Alle u ogolaado oo ay gaalo aqoonsato sow ma oga in ay u socoto cadaab adduunyo iyo mid aakhiro aanay madax bannaanida ay doonayaan ee beenta ahi socon doonin maalin uu Alle tafaha u laabayo, sida haddaba haysata Soomaalida.

Walaalayaal xoriyadu ma aha in dawlad daaquud ahi idin xukunto balse xornimo ha joogtee waa gumaysi. Gumaysigu wax kaleba ma aha ee waa in qof aadami ahi ku xukumo, xornimaduna waa in Alle ku xukumo. Xornimada ay ka helayaan aqoon yahaynkoodu waa tee? Waxaan kula talinayaa walaalahay reer Somaliland in ay dhinaca ka raacaan qabiilkooda Soomaaliyeed iyaga ayay ku lee yihiin sharaf hana ka qayb qaateen in ummadda Soomaaliyeed oo dhan lagu jaheeyo sidii ay ku gaadhi lahaayeen xornimo buuxda Allena uga talo qaadan lahaayeen.

GUNAAND:

Waxay ummadi ku jirtaa gumaysi markii ay koox aadami ahi ajneb iyo wadani midkii ay noqotaba ay xukunto, halkaas waxaa beenoobaya falsafadii gaalada laga dhaxlay ee ahayd waxaad xor tahay markii ay ummadi iyadu isu taliso ee yeelato dawlad ay iyagu iska soo dhex doorteen. Sidaas ayay noogu dhiseen dawlad Soomaali ah markii aynu xukunkoodii diidnay. Waxaynuna isku magacawnay dawlad xor ah ma jirto xor ma aynaan noqon weligeen waayo waxaa na gumaysanayey koox Soomaali ah oo isku magacawday dawlad oo inta ay dadka u samaysteen booliis, maxkamado iyo xabisyo ruuxii ka amar qaadan waaya ama ku caasiyooba xidha.

Waxaa xor ah ummaddii uu Ilaah u yahay madaxda oo isagu u taliyo cid kale oo u talisana lahayn. Dad ayaa odhanaya sidee Alle noo xukumayaa? Haddii Alle xukunkiisa lagu dhaqmayo oo uu isagu kii dembi galana ciqaabkiisa la marinayo sheegayo kii khayr sameeyana isagu u abaal gudayo isaga ayaa ku xukuma. Marba haddii uusan Alle isagu inta uu xafiis noo soo fadhiisto na xukumayn iyada oo loo wada jeedo wuxuu Alle isu diray dadka in ay isku dhex fuliyaan xukunkiisa.

اللَّهُ وَلِيُّ الَّذِينَ ءَامَنُوا يُخْرِجُهُمْ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ وَالَّذِينَ كَفَرُوا أَوْلِيَاؤُهُمُ الطَّاغُوتُ يُخْرِجُونَهُمْ مِنَ النُّورِ إِلَى الظُّلُمَاتِ أُولَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ(البقرة 257).

Aayaddan ayaana inoo sheegaysa in uu Alle mu’miniinta u yahay madax uuna ka saaro gumaysiga una saaro xornimada (mugdiga/ilayska) gaaladana uu shaydaan u yahay madax wuxuuna ka qaadaa xornimada wuxuuna geliyaa gumaysi (Ilahayska/mugdi).

Shaydaankuna waa garaadka (inteligence) ama caqliga qofkii garashada ama caqliga xun ayaa shaydaan ah. Shaydaanku wuxuu ka mid yahay labada xilku saaran yahay oo ah jinka iyo dadka. Haddii qofku uu waasho shaydaanku waa ka tagaa haddii uu bogsoodo oo caqligii soo laabto shaydaankiina waa diyaar oo la joogaa, sidaas darteed shaydaanka iyo garaadku ma kala hadhaan lamana kala reebi karo.

Waxaan akhristayaasha qaayaha leh ka codsanayaa in ay arrinka ila lafa guraan oo wixii ay igu kordhinayaan iyo wixii dhaliil ah iigu soo tebiyaan e-mailkaygan omer.shalaqo@gmail.com .

G/le Sare Omer Suleiman Ali​​​​

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!