Xukun xiiso aan u qabo uma soo laabane, xilka baan iska ridayaa, Bashiir M. Diraac

by admin | Friday, Jan 23, 2015

Guuleed waa gaban aan Garaabada afka ka qaadin habeen iyo maalin. Wuxuu ku koray agoonnimo. Aabbihii wuxuu ku geeriyooday dagaalladii sokeeye, oo xabbad wiifto ah ayaa ku dhacday. Ma jecla inuu dalka ka tago, oo wuxuu aad ula yaabaa dhallinta uu dhoofku mdaxmaray.

WALI ma ahan iyo WADAAD, haddana, intaa waa riyoodaa, oo indhaha hadduu is galiyo, wax un baa u muuqda. Inta badan haba u badnaadeen xanuun iyo xumaane, haddana, mararka qaar ayuu wanaag iyo same arkaa, oo nolosha ayaa labadaa u dhaxaysa.

Maalintii ugu farxadda badneed, waa maalinta isagoo canku u taqsiiman yahay, uu ka maqlay cod baayiheMasjid, uu agtiisa marayey wadaad leh:

RIYADU waa WAXYIGA qayb ka mid ah!”. Af labadii ayuu dhawaaqay, oo yiri:

Inaan NABI noqdo ayaan ku sigtay!” Isagoo ka raadraacaya in Nebiga keliya loo waxyoodo. Misna wuxuu yiri:

“Mise, hadda ayaanba ahay, waanan is ogayane” isagoo ku cabbiraya riyooyinikiisa faraha badan. Isagoo is qancinaya ayuu sii raacshay:

Malaha da’deeda baanan gaarin NEBINNIMADA!”.

Sida maalmahan riyo iyo loogu oon qabay qalbi daalacasho inuu ogaa in kalaba, ee haddana, waa kan shalay galab oo dhan sidii uu Garaabada u laqlaqayey, habeenka barkiisa horena u daaqayey, xilli dambe dhinaca dhulka dhigay, isaga ood jiifkiisa mooddid “Dameer baqtiyey!” oo ilina u xiran tahay midna u furan tahay ama inuu indha guluub ama nal ah leeyahay.

Guuleed inta badan wuxuu la sheekaystaa oday uu ka shaxaado Garaabada Jaadka, oo la yiraa; Aw Raage, oo dhaqan iyo dad yaqaan ah, balse, ay jaalle ku yihiin cagaarsiga, inta badanna wax ka kororsada, maadaama uu waayo arag yahay. Aw Raage, siyaasi ma ahan, haddana, kama marra, oo intaa wuxuu ka sheekeeyaa iyada uun, sidii inuu ajar iyo ka helayo abaal, ay ka waayeen kuwa ku dhexjira.

Xilligii uu soo kici jiray ka hor ayuu maanta soo kacay. Dabuub iyo bargo’ midna ma ahan, gaajana ma soo kicin. Isagoo liicaya, oon lugta dhulka la heli karin ayuu wuxuu soo abbaaray saldhiggii ay isagu iman jireen Aw Raage. Markii uu Guuleed oo agfariistay Aw Raage, oo uu la joogay oday kale, oo muran iyo jaqjaq badan, ayaa waxa odaygii uu durba Guuleed ku yiri:

“War maxaa ku helay, oo aad ugu socotay, sidii gabar la guday ama awr baxsi badan, oo la qabbirey?” Guuleed, oo ewelba xalay xilli dambe seexday, haddana, aan hurdo fiican seexan, iminkana, ay gaajo hayso, walaacna ku abuuran yahay, ayaa isaga oon u warcelin odaygii ka hinqaday meeshii uu fariistay. Markii uu sii istaagayey, ayaa waxaa garabka ka qabtay Aw Raage, oo ku yiri:

“Ii fariiso, kani waa naga tagayaaye!” Guuleed, oo foorara, ayaa ku yiri:

“Maya, kan agjooggiisa ewelba ma jeclayn, maantana ma xammili karo, ee iga daa, cirrada ayaan ku xushmaynayaa, ee yuusan war na kala gaarine!”. Odaygii kale, ayaa is dareensaday, illeyn “Kor Waayeel, waa wada indhee” oo ku yiri labadoodii:

“Anigu waan idin dhaafaye, bal waxa dhafriyey wiilka weydii Oday Raage”.

Markii uu Guuleed hubsaday in odaygii muqiisii libray ayuu Aw Raage ku yiri:

“Ma hadli karo, gaajo ka sokow, wax aan xalay arkay ayaanan la hadli karin” Aw Raage oo cabsi ay gashay ayaa ku yiri:

“Marka hore horta wax cun, ka dib, isku day inaad hadasho” Guuleed ayaa ku yiri Aw Raage:

“Maanta wax badan iyo wax culus toona ma cuni karo, oo waa ogtahay, raashin la iima tilmaamee, cunta fudud oo yar uun ii dalab adoo raalli, kuna mahadsan”. Guuleed waxaa loo keenay Sanbuus, Bur iyo Shaah Garow (giir caddaad/baraa girix) ah sida uu jecel jeclaa.

Sanbuuskii iyo Burkii ayuu isku goostay, mise wuxuu billaabay inuu ku hingado. Inta badan Guuleed ma ahayn dadka cunto qaashada xun, 20jir iyo da’dii aan xeerada lala gali jirinna waa ku jiraa, Aw Raagana kuma ogayn, markaa ayuu ku yiri:

“Inta aad ka cuni karto ka cun, oo ha isku dhibin hana isku dilin, haddii aadan cuni karin ama aadan awood iyo amiteet u hayn”. Guuleed ayaa ku yiri:

“Labadan si aan ku dhammeeyaba waa inaan dhammeeyaa, si aan wixii aan xalay arkay kuugu sheego, inta kalaba yeelkeedee iyo “Adaa dhaamee dhammee” anoo hirgalaya” markaa baa Aw Raage ku yiri:

“Haye, haye, isku day bal inaad billowdo. Waan kuu jeedaa, xoogaa waad soo dhiirranaysaaye. Ma cuntadaa mise jawiga ayaa caadi kuu soo noqonaya, oo riyada ayaa kaa qastay mise wax kale oo aad xalay aragtay!”.

Guuleed ood mooddo inuu wax gaar ah ka baqayo, oo takaradhabasho aan lagu aqoon iyo ay ku jirto meelo fiirfiirin ayaa Aw Raage ku yiri:

“Horta wax badan ayaad riyo badane i tiriye, taan xalay arkaan haddaan kuu sheego, waxaan ka baqaa, inaad NSS inu noqoto iyo dabagal! Maxaa yeelay, gebi ahaan, waa lid iyo lur, aan lahayn ladnaan, haddii aan laciifnimo ligan lagu loollamayn!” Aw Raage, ayaa isaga oo Guuleed la yaabban cabsida intan la eg, ee uu riyo uu ku riyooday ula baqayo ku yiri:

“Wiil yahow, NSS markii wax lagu dulmi jiray haddii aanan noqon, loona noqon jiray in wax lagu dulmo uun, maanta oo si walba wax loo dulmo, maxaad taa iila aadday? Waxaan filaa inaad iga taqaan in kugu filane, mirrigmirrigta ma ahane, sheekada hore u gal, oo muraadka i deeqsee, adoon marmarin.” Guuleed ayaa qosol yar ku dhuftay, oo yiri:

“Deeqsinnimada iyo dadnimada ka sokow, runta ayaan kugu jeclahay, balse, afeeftu wax kale ma ahayne, haddiiba saraakiishii ciidanka, maamulayaashii degmooyinka iyo xildhibaannadii la iska xiranayo, anigu xaggeen joogaa ayey kula tahay? War iyo dhammaan, sheekadu waxay u dhacday sidan:

Sida aad ogtahay inta badan riyooyinkaygu xumaan dirireed ama dareemeed –anoo dhoocil la rafanaya- ayey ahaan jirtay iyo marmar dhif ah, oo aan same arki jiray, middase aan xalay arkay, waxay eheed wax aan anigu la yaabay, heer aan hurdadii ku laaban waayo, oo sas iyo salal ayaan ka qaaday!

Ma ahan in wax laga naxo ama laga yaabo ay leheed, ee qaabka, qofafka ku jiray iyo qaddiyadahalaga wada hadlay ayaan qaadan waayey. Ma ahayn inaysan hore u dhicin ama marar badan dhicin, haddana, aniga tani, si gaar ah ayey ii taabatay”.

Guuleed inta uusan billaabin ka sheekaynta riyadii, ayuu wuxuu ku daahfuray afarraydan, oo yiri:

Xalay baan riyoodoo

Ruuxaani ii timid

Lay rarey cirkaa sare

Raggaad wada taqaanniyo

Arkay niman raajaalo

Ra’iiskeenna Cumariyo

Raxan wada wasiirra ah

Xasan iyo raggiisii

Rafaad badanna waa jiray

Rayn raynna lama qabin

Roob waa la sugayaa

Rajaa weli inoo maqan

Ruux lahaana waa jiray!”

Markaa ka dib, ayuu Guuleed yiri:

“Riyadu waxay ku saabsan tahay Ina Sharmarke iyo…” intaa marka uu Guuleed yiri, ayaa waxaa hadalkii ka dhexgalay Aw Raage, oo yiri:

“Riyadu ma siyaasad ayeyba ku saaban tahay? Mar haddaad tiri Ina Sharmarke wax kale ma noqon kartee!” oo inta is celin waayey farxad awgeed, ku yiri:

“Guuleed, amaad qof kale u sheegtay horteey?” Una raacshay:

“Nabee, haddaad qof kale u sheegtay waa kala dhimmanaynaa. Waa ogtahay, inaan siyaasadda aad u xiiseeyo, qof aan aniga ahayn, ma rabo inuu ka sheekeeyo dhacdadan. Hadda ayeyba ii muuqataa xiisaheeda, ee ii wad sheekada, yaanan kaa qaasine, anna iska qasine!” Guuleed ayaa ku yiri Aw Raage:

“Waligaaba marka aad Siyaasad maqasho waa bururi jirtaye! I dhagayso horta, aan sheekada daba iyo illaa dacal kaaga sheekeeyee, xiiso dambe inay kugu qabato iyo in kale” oo waliba u raacshay:

“Aw Raagoow, waxaan ka baqaa inaad Siyaasadda dhanba ka salguurto, ee hadhaw aniga ha igu eedin.” Intaa ka dib, ayaa Guuleed ku laabtay ka sheekaynta riyadii oo yiri:

RW Ina Shamrmarke, ayaa waxaa waraysi ugu yimid Wiil dhuuban, oo indha godan, daan dilan, ilka dabar ku leh, oo foodi u jiran tahay, xiran shaar holof holof ah, oo ka weyn, surweel luga midabbbo leh, inta sarana ka ah boorboor, oo ka dhacdhacaya, indha gashi madaw ee qorraxceliye ahina u xiran yahay.

Markii uu albaabka ka soo galay, ayaa waxaa indhaha ku dhuftay Ina Sharmarke oo yiri;

“Kanna muxuu ahaa? Ma waardiyeyaasha ayuu ku soo biiray, horayba uma arage?” markaa baa lagu yiri:

“Waa wariyihii aad la ballansaneed, ee aad sugaysay!”

“Haa, soo gudub, oo hore u soo dhaaf” ayuu ku yiri. Ina Shamrmarke isagoo damcay inuu sare isu taago, i uu u gacanqaado, ayaa wariyihii isagoo rukuucsan ku tagay RW oo ku yiri:

“Sayiddii, iska fadhi anaa kaa fudude!” markaa baa Ina Sharmarke ku yiri:

“Ma daacad bay kaa tahay mise wax baad iigu qarinaysaa?” Markaa buu ku iri:

“Ma kula tahay inaan wax kuu qarin karo ama la iigu kaa soo diray taa. Waxa la iigu kaa soo xulay, ee aad adna ii soo dalbatay wuxuu ahaa inaan ahay laabxaarre aan xeel aqoon iyo xaraf leexin!” markaa ka dib, ayaa Ina Sharmarke yiri:

“Horta kaalay wariyeyaashu miyeysan labbiska iyo qaabkasan ee dharka loo xirto aqoon, waa kuwa aad wada mooddo DHOORREYAALE?”

Wiilkii TVga ka socday, ayaa yiri:

“Oo yaa naga labbis qurxan! Anigan aad i arkee, saacad baa la ii labbisayey, sidii inan aroosoo la aqalgaynayo ama la galbinayo, adna ma sidan ayaad leedahay? Anaguna waxaan is weydiinnaa, qofku marka uu bilo ama sanado qurbaha soo joogo, waxa uu mar walba u dhaliilo waxa dalka ka jira!”

Ina Sharmarke, ayaa ku yiri:

“Horta, Sayid hal nin baa Soomaali laga yiraa, waana Sayid Maxamad Cabdille Xasan, ee anigu RW ayaan ahay. Midda kale, anigu illaa hadda inay magac u tahay iyo inay naynaas u tahay maba kala ogi, haddana, isaga ayaan u aqaan, ee halkaa ka daa.

Ta kale, aniga ayaantaan XALWEYSTE ayey iila bexeen, mase oga, anigu XALWWADDA waa ku faanaa, waliba waxaan ugu jeclahay Xalwada Xaaji Ciise, maxaa yeelay, anigu ciyaal xaafad iyo Xamar baan ahay. Dadka eraygaa ku celcelinayana, waa reer gobol iyo dhashii geeljirrada, ee aan magaalo iyo macaankeed waxba ka aqoon! Haddana, aan gudagalno waraysiga, oo iga boobsii, waxaa ii sugaya wufuud badan oo caalami iyo cayayaan isugu jiree!”.

Fisha qaybta xigta ee qormada.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!