Xukuumada oo amartay in guddiga dhismaha mamaulka saddex gobol Muqdisho soo gallaan

by admin | Sunday, Nov 2, 2014

Muqdisho : HN :– War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa lagu amaray guddiga dhismaha maamulka saddexda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan Muqdisho u soo gallaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada tashado arrimaha la xiriira howsha maamul dhisida Koofur galbeed, si ay u taaba gasho, una buuxiso mabaa’diidii la isku waafaqay heshiiskii Muqdisho.

Warqada ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu faray Gudiga qaban qaabinaya shirkan inay Muqdisho yimaadaan maanta oo taariikhdu tahay 2-da bisha November, si looga tashado howsha dhameystirka Maamulka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warqada in lagu dhan yahay, loona dhan yahay dhismaha Maamulka Koofur galbeed, si cadaalad ahna loo640x480xRWCabdiweli-Sheekh.jpg.pagespeed.ic.VmzhGKVeTc wadaago maamulkaas.

Waxaa kaloo warqada lagu sheegay in inta wada tashigu socdo uu shirka ka soconayo Baydhabo, hase ahaatee aan wax tallaabo ah loo qaadi karin dhameystirka dastuurka iyo doorasho la qabto

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa ayiday go’aanka Xukuumada, isagoo cadeeyay inay muhiim tahay in khilaafaadka ka jira howlaha maamul u sameynta in la xaliyo, si loo helo shir loo dhan yahay.

Khilaafka xaga maamulka ee Koofur galbeed ayaa in muddo ah ka jiray magaalada Baydhabo, kaasoo aaqirkii keenay in banaan baxyo rabshado wato inuu ka dhaco Baydhabo, isla markaana muranka uu ahaa lix Gobol iyo saddex gobol, oo ugu dambeyn dowladdu aqoonsatay saddex gobol.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!