Xukuumada oo laga yaabo in codka kalsoonida loo qaado kadib heshiiskii dekeda Muqdisho

by Yahye | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho; HN;- Kadib markii Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Xukuumaddiisa ay qirteen in ay galeen gef weyn oo ah in la saxiixey heshiis aanan la marinin baarlamaanka ayaa waxaa xawli ku socda qorshe mooshin looga geynayo xukuumadda.

Mooshinkani ayaa waxaa dabada ka riixaya madaxweyne Xassan Sheekh oo la sheegey in ay isku dhacsanyihiin Ra’isulwasaaraha, sidaba uu madaxweynaha laftiisa dhawaan qirtey.

Madaxweynaha ayaa laga soo xigtey isaga oo leh “Ra’isulwasaaraha isfaham darro ayaa noo dhaxaysa, waxaana lagu xalinayaa baarlamaanka dhexdiisa”, hadalkaasi oo ah mid daaran mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaaraha.

Waxaa la doonayaa in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda, iyada oo la cuskanayo gefkani.

Ra’isulwasaaraha ayaa gudiyada baarlamaanka shalay ka hor sheegey in markii uu dalka ka tagayay uu ka dardaarmay in baarlamaanka la horgeeyo heshiiska ka hor inta aanan qalinka lagu duugin.

Heshiiska ayaa ah mid shirkad Turki ah lagu wareejinayo dekada weyn ee magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!