Xukuumada oo codka kalsoonida loo weydiinayo baarlamaanka

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Muqdisho; HN;- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in Xukuumadiisa cusub ee ka kooban 67-xubnood uu horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya sida ay go’aamiyeen guddiga Joogtada ee Baarlamaanka.

Ilaa Xalay waqti dambe waxaaMagaalada Muqdisho ka dhacay kulamo gaar-gaar ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Mucaaradka ah iyo kuwa muxaafidka ah si aay uga arinsadaan sidii maanta codbixinta aay ugu guuleysan lahaayeen.

Xubno ka mid ah Xildhibaanada ku midoobay Kudladda Bad-baado Qaran ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Xukuumadda cusub ee Soomaaliya, islamarkaana maanta ay siin doonaan codka kalsoonida ah, kolka Baarlamaanka la horkeeno Xukuumadda.

Sidoo kale xalay iyana waxaa Magaalada Muqdisho ku shiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo diidan qaab dhismeedka Xukuumadda cusub, waxa ayna sheegeen Xildhibaanadaasi inaysan codka kalsoonida ah siin doonaan Xukuumadda ka kooban 67-xubnood hadii Baarlamaanka la horkeeno.

Xildhibaan Bishaar Ugaas oo kamid ah xubnaha kulanka xalay yeeshay ayaa Idaacada VOA u sheegay inay haystaan tiro ku filan oo Xildhibaano ah oo ay kaga soo horjeesan karaan Xukuumadda, islamarkaana ay isku kalsoon yihiin inay ridi karaan Xukuumadda, isaga oo intaasi warkiisa ku daray inay gaarayaan ilaa 120 Xildhibaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa shalay ilaa xalay waxa ay wadeen kulamo kala duwan oo ku aadan sidii xayndaabka Baarlamaanka looga gudbin lahaa Xukuumaddan, maadaama labo Xukuumadood oo hore oo uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Sharmaake Baarlamaanka ay diideen.

Hadii Xukuumadaan Baarlamaanka ay diidaan, waxa ay noqonaysaa Xukuumadii 3-aad ee kalsoonida weysa, waxaana maanta loo maleynayaa in xukuumadu marto baarlamaanka marka la fiiriyo ama leeys barbar dhigo xildhibaanada ka soo horejeeda iyo kuwa taageersan oo aad moodid in kuwa taageersan aay waxoogaa ka badan yihiin.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!