Xukuumada oo sheegtay in awoodeeda oo idil isugu geyn doonto ka shaqeynta nabad-galyada

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013 | 24 views

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHA-300x217Caabud-waaq : HN :   Wasiirrka wasaaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa isaga oo jooga degmada Caabud-waaq ee gobollka Galguduud sheegay in xukuumada siweyn ugu howlan tahay ka shaqeynta amniga guud ee dalka.

Waxaa uu sheegay in muhiimada koowaad siineyso xukuumada Soomaaliya nabad-galyada iyo dib u hishiisiinta oo sida uu hadalka u dhigay ah kuwa lagu gaarayo hormar iyo xasilooni buuxda.

‘’Shacabka Soomaaliyeed mudo 20 sano ah ayuu ku soo jiray bur bur iyo dhibaato, sidaa daraadeed waxaa la gaaray waqtigii la shaqeyn lahaa sidii Soomaaliya loo soo celin lahaa sharafteedii iyo karaamadii ay laheyd,’’ ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada C/kariin Xusseen Guulleed.

Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo dhinaciisa la hadllay dadka ku dhaqan degmada Caabud-waaq ayaa ku amaanay sida ay uga shaqeeyeen nabad-galyada deegaannkooda, isaga oo intaa ku darray in dowladda ay ku bar bar taagan tahay wax kasta oo sii adkeyn kara amniga degmada.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo kan gaashaandhiga ayaa ka mid ah wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo booqasho ku maraya gobollka Galguduud.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!