Xukuumada oo sheegtay in ay sii wadayaan wada hadalada Soomaaliland

by admin | Monday, Sep 22, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumad Soomaaliya Ridwaan Xirsi Max’ed ayaa sheegay in dhowaan wada hadalo ay la furi doonaan Maamulka Puntland, si xal looga gaaro khilaafka soo dhex galay iyaga iyo Puntland.

Mr Ridwaan ayaa sheegay in wada hadaladii la filayay inay dhowaan bilowdaan ay arrimo farsamo awgeed dib ugu dhaceen, hase ahaatee ay rajeynayana in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wada hadaladaas ku dhacaan.

“Waxaan dhowaan rajeyneynaa in wada hadalada dowladda Federaalka iyo Puntland ay bilowdeen, maadaama wada hadaladii la filayayRidwaan-Xirsi-Maxamed-445x300 uu dib u dhac ay ku yimaadeen”ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u soo celin doonaan xiriirkii wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeyay Puntland, kadib markii Puntland ay dhowaan xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan u cadeyneynaa dadka Puntland iyo xukuumadooda inaan dib u soo celineydo wada shaqeyntii iyo kalsoonidii naga dhaxeysay, dowladda Federaalka waxaa ka go’an inay xaqiijiso Midnimada Qaranka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Ridwaan Xirsi Maxamed.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu dhawaaqday inay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka, kadib markii ay qaadacday heshiiskii Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!