Xukuumada oo u digtay dadka ganacsiga ku leh hareeraha wadada Maka-Al-mukarama

by admin | Monday, Oct 20, 2014

Muqdisho : HN :–Afhayeenka wasaarrada ammniga xukuumada Soomaaliya Max’ed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya wax laga weydiin doono qof kasta meradiisa ganacsi haddii uu gaari ku hor qarxo, sidda daraadeed waxaa uu uga digay dadka ku leh hareeraha wadada maka Al-mukarama in ay arrintaa ka foojignaadaan.

“Waxaan ka codsanaynaa dadka mehradaha iska leh oo maqaayadaha iska leh inay ogaadaan oo ay ka warqabaan gaariga hortooda la soowadadaa dhigi doono, waxaan leeyahay gaarigii hortaada la soo dhigo oo qarxa muwaadinka waxaan leenahay waxbaa lagaa weydiin doonaa, gaarigii aad ka shakisid noo soo sheeg markiiba ku soo wargeli Hey’adaha ammaanka”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la dhigay maqaayada Aroma Coffee oo ku taal wadada maka al-mukarama, iyadoo gaariga ku qarxay halkaas, isla markaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Shalay ayay aheyd markii Hey’adaha ammaanka ay ku qabteen gaari nuuca loo yaqaano NOAH oo wadada Tarabuunka la dhigay, kaasoo laga helay hub iyo bambooyin.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!