Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen 503 ruux a ka tirsanaa Al-shabaab

by admin | Friday, Oct 10, 2014

ridwaanMuqdisho  : HN ;– Ridwanan Xaaji C/wali oo ah afhayeenka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa 503 dhalinyaro u dagaalamayay Al-Shabaab ay dowladda isu soo dhiibeen shantii cisho ee u dambeysay, si ay ugu faa’ideystaan cafiska mudada 45-ta cisho.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in xukuumada ay wada hadalo kula jirto, sidii dhalinyarada la qalday ay isu soo dhiibi lahaayeen, si mustaqbalkooda loo badbaadiyo.

“Mudadii 45-tii cisho e Xukuumada u qabatay in ay isku soo dhiibaan si ay u helaan cafis dhalinyarada la qalday ee u dagaallamaya Al-shabaab inay ka faa’iidaysteen 503 maleyshiyaad, sidoo kalana ay Xukuumadda wada hadal kula jirto 153 kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab”ayuu yiri Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

“Shirka Golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda gobollada dalka, sidoo kalana waxaa laga dooday shuruuc dhowr ah oo golaha horyaalla, waxaana la meelmariyay hindise sharciyeedka Khayraadka Biyaha” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaji Cabdiweli.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa culeys milateri oo xoog leh saaray Al-Shabaab, iyadoo maalmihii u dambeeyay lagala wareegay degmooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay ka mid aheyd Baraawe.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!