Xukuumada Washington oo AMISOM ka taageereysa dhinaca militariga

by admin | Friday, Oct 9, 2015

Washington ” HN :–Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay hubeynayaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala [AMISOM] si ay ula dagaallamaan xoogagga Xarakada Al-shabaab ee Soomamisom2aaliya.

Hadalkan oo ka soo baxay waaxda gaashandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay inay ciidamada AMISOM siinayaan hub ay kusii wadaan howlgalka ay Somalia u joogaan ee ka dhanka ah Al-shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku tahay ammaanka gobolka geeska Afrika.

Sarkaal u hadlay xukuumadda Washington ayaa intaas ku daray in qorshahan uu qayb ka yahay dadaalka dowladda Maraykanku ay ku taageerayso nabadda Somalia, ayna ugu talo-galeen in ciidamada AMISOM ay helaan hub ku awoodaan inay Al-shabaab uga saaraan dhulka ay hadda ka taliyaan.

Xukuumadda Mareykanka ayaan sheegin noocyada hubka an ee ay siin doonto ciidamada AMISOM, iyadoo horay ay ciidamada AMISOM u dalbadeen in diyaarado dagaal oo ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhanka kale, sarkaalka u hadlay Mareykanka ayaa xusay inay sidoo kale hub ka iibinayaan dawladaha Afrika ee ciidamadu ay ka joogaan Somalia si ay isaga difaacaan xoogagga Al-shabaab ee weerarrada ka geysanaya waddamadooda.

Ugu dambeyn, dowladda Maraykanku ayaa waxay ka mid tahay waddamada sida weyn u taageeraa howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!