Xulka Nigeria oo ku guuleystay koobka Qaramada Africa

by Somali | Monday, Feb 11, 2013

Guusha_nigeria-4Johannesburg : HN :   Xulka kubada cagta dalka Nigeria ayaa ku guuleystay xalay koobka Qaramada Africa tartan xiiso badan oo dhaxmaray iyaga iyo waliba kooxda kubada cagta Burkino Faso.

Cayaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay guddoomiyaha FIFA Joseph Sab Balater, waxaana ay ka dhacday magaalada Johannesburg.

Kooxda kubada cagta dalka Nigeria ayaa kaga adkaatay xulka Burkino Faso 1-0, waxaana guulka ay guusha ku raacday u dhaliyay cayaaryahanka lagu magaacabo Mbs Sanday oo daqiiqadii 39-aad ee u saxiixay kooxdiisa guulkii guusha.

Dadkii daawanayay cayaarta ayaa sheegay inkastoo ay badisay Nigeria in haddana kooxda Burkino Fano ay soo bandhigeen cayaar heerkoodu sareeyay mar marka qaarna qadar galisay kooxda Nigeria, waxaana ay cayaartooyda xulkaas iska lumiyeen fursado badan oo loo fili karay gool.

Waxaa xalay oo dhan dalka  Nigeria ka socday dabaal-degyo lagu soo dhaweynayo guusha ay xulkooda ka gaareen koobka, waxaana sidoo kale gabgabadii ciyaarta ka heesay fannaaniin caan ah, iyadoo xulka Nigeria ay qaateen koobkii ciyaarta loogu talogalay.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!