Xulka kubada Kolayga Soomaaliya oo ka badiyay xulka kubada Kolayga dalka Burundi

by Somali | Thursday, Jan 24, 2013 | 162 views

kkolaygaDara-salaam : HN :  Guul kale oo taariikhi ah ayeey gaareen xulka kubada kolayga Soomaaliya kadib markii markii ay 98-80 ku garaaceen xulka kubada kolayga dalka Burundi, cayaar qeyb ka aheyd tartanka Qaramada Afraca ee kubada Kolayga Zone 5.

Xulka Qaranka Kubbadda Kolayga Soomaaliya oo ah mid aad isugu xiran, isla markaana ay ciyaartoyda aad isula qabsadeen ayaa waxay qeybtii hore ee ciyaarta la yimaadeen 50 dhibcood, halka xulka Burundina uu la yimid 40 dhibcood, halkaasina waxaa ka muuqata in xulka Soomaaliya uu badiyay isagoo weli ka gacan-sarreeya xulka Burundi.

Cayaartooyada kubada kolayga Soomaaliya ayaa intooda badan ka yimid dalka dibadiisa, sida Mareykanka, Australia, Canada iyo waliba Soomaaliya, waxaana ka muuqata isku xirnaa iyo is faham aad u sareeya.

Saciid Faarax Ducaale  oo ah Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Kolayga ayaa sheegay ciyaarta tan ku xigta oo semi final ah in  uu xulka Soomaaliya la yeelan doono xulka dalka Rwanda. Sidoo kalena wuxuu rajeeyay in ay ka badin doonaan xulka ay iska horimaan doonaan. “Ciyaartoyda xulka qaranka kubadda Kolayga Soomaaliya aad ayay isugu xiran yihiin awooddoodana waa mid muuqata sidaas darteed waxaan rajo ka qabnaa in aan xulka Rwanda isna ka badin doonno”ayuu mar kale yiri Saciid Faarax Ducaale.

Xulka kubada Kolayga dalka Soomaaliya ayaa horay u soo garaacay kana badiyay xulka kubada kolayga dalka Kenya, waxaana rajo wanaagsan laga muujinayaan cayaartooyda Soomaalida oo la filayo in ay guul weyn ka soo hooyaan tartanka.

Hiiraan Net.

 

 

 

 

Like it? Share it!