Xulka kubada kolayga Soomaliyeed oo ka badiyay xulka kubada kolayga Kenya

by Somali | Wednesday, Jan 23, 2013 | 143 views

DSC006651Dara-salaam : HN :  Xulka kubada kolayga Soomaaliya ayaa ka badiyay xulka dalka Kenya, cayaar qeyb ka aheyd tartanka is-reeb-reebka koobka Qaramada Africa ee kubada kolayga Zone 5 oo ka dhacay dalka Tanzania

Kooxda kubada kolayga Soomaaliya oo soo bandhigtay cayaar siweyn loola dhacay ayaa uga badisay kooxdii ka soo horjeeday ee dalka Kenya 81 dhibcood, halka xulka dalka Kenya ay ka keeneen 78 dhibcood.

Koobkan FIBA Africa Zone 5 oo xulkii ku guuleysta uu u soo baxayo kama danbeysta koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga ayaa waxaa Somaaliya ay ku jirtaa Group B iyadoo ay kula wehliyaan xulalka Kenya iyo Burundi.

Bulshada Soomaaliyeed iyo bahda Sprotiga ayaa durbaba siweyn u soo dhaweeysay guusha ay soo hooyeen xulka kubada Kolayga Soomaaliyeed ee ka qeyb-galaya tartanka Qaramada Africa ee kubada Kolayga.

Labada xiddig ee Soomaaliya Abdi Axmed iyo Feysal Jaamac ayaa ahaa xiddigihii ugu cadcadaa dalkeena Soomaaliya iyadoo Abdi uu dhaliyay 26 dhibcood oo ah dhibcihii ugu badnaa ciyaarta ee uu hal ciyaaryahan dhaliyo, halka Faysal uu dhaliyay 20 dhibcood.

Xulka Soomaaliya  ayaa arbacada la  ciyaari doona xulka kubada Kolayga dalka  Burundi kulankooda ugu danbeeya ee Group B taasoo kala cadeyn doonta ciddii u gudbeysa wareega xiga.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!