XULKA QARANKA KUBADDA CAGTA SOMAALIYA AMAAN IYO BOGAADIIN.‏

by admin | Sunday, Nov 13, 2011

Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Raseelkeenii(Muxamed CSW)Korkiisa,sharaf iyo wanaag,gobanimo iyo karaamo xornimo,maqaam gobeed iyo magac iyo sumcad wanaag waxaa iska leh Dalka,(Somaaliya dhul qiimo weyn laakiin waqtigan dhiban)Inshaa Allah waa laga bixi doonaa oo qiimihii qaranimo la soo celin,habkii hore iyo ka wanaagsan la heli(Alloow Naxariistaada iyo Nabadgelyadaada) Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Marka hore anigoo ka mid ahaan jiray bahda qorayaasha Isportiga Somaaliyeed si gaar ah Salaan qiimo badan halkan uga gudbinaayaa Asxaabtii aanu bah-wanaaga aheyn gaar ahaan:-C/Raxmaan Diiriye,Ustaad-Baa-Cakaba,Muuse Cali,Najiib,weriyaal-Axmed C/Nuur,Cismaan C/Nuur Xaashi,Kalamboo,Cagta Xaaji,C/Qaadir Macalin Mursal iyo Gudoomiyihii Xiriirka Ciyaaraha Fuduud,isla markaana ahaa Xoghayaha gudiga olambikada Qaran-Ustaad-Maxamed Saalax Axmed(Charles)oo ahaa muwaadiin xalaal ah,kaalin weyn ka qaadan jiray horumarinta Isportiga dalka(inkastoo beryihii damme xaalku iska liiteey), Waxaan halkan hambalyo,amaan,bogaadiin iyo dhiiri gelinba uga soo jeedinaayaa Xubnaha Xulka Qaranka Somaaliyeed ee Kubadda Cagta oo kulankii shalay bar-bar(0-0)la galay xulka Dalka Itoobiya,ciyaaryooyga,Macalimiinta iyo maamulkaba waxaan leeyahay waad sharafteen si weyna u illaaliseen maqaamka iyo sumcad magaca somaaliyeed,iyadoo ayaan darada jirta awgeed ciyaartu ka dhacday dalkeena labaad(Jabuuti)mahad-celin Madaxweyne-Ismaaciil Cumar Jeelle,Xukuumadda iyo Shacab-weynaha Walaalaheen reer Jabuuti oo marna aan abaalkooda la gudi kareeyn,Waxaan marna la illaawi kareeyn shakhiyaad magac iyo maqaam gaar ah ku lahaa Ciyaaraha Somaaliyeed:-Ustaad-Axmed Sheel,Nuur Xuseen(Nuur Jeenyo-AUN),Ibraahim Xisbiyo, Yaasiin Barafuun,Col-Waasuge(AUN),Axmed Dheere,Cabdi Xuseen,Dr-Cali Gacal iyo Halyeeyga Isportiga Somaaliyeed-Cabdi Bile Cabdi iyo Jaamac Karaaciin.
 
Bar-bar dhaca(0-0)waxaan oran karaa waa u guul qaranka Somaaliyeed oo da’da yar dhibka badan heysto,daryeel la’aan,dhaqaale la’aan,diyarin xumo iyo mida ugu muhimsan oo ah dhibka iyo murugada joogtada ah oo Dalkii hooyo ka jirta oo keentay in eey gurigoodii ku dheeli waayeen,si kasta ha ahaato waxaan leeyahay waad dadaasheen,waa na sharafteen,korna u qaadeen Magaca lunsan ee Somaliyeed,inshaa allah kulan dame oo ka dhici doono Addis guul ayaan idiin rajeeynaayaa,waxba dheg ha u dhigiin qeyladda,sawaxanka iyo durbaanadda kumayaasha taageere ee Itoobiyaanka ah,dareenkiina siiya ciyaar oo keliya iyo soo bandhigida xeelad sare oo dheeli- tirkeeda leh difaaca,dhexda iyo weerarka,ciyaar kooxeed ki dhisan iskaashi iyo kubad qeybin, anigoo halkan baaq uga diraayaa Madaxda sarre dowladda Somaaliya,Qurbaha jooga somaaliyeed iyo gudiyadda ganacsatada somaaliyeed in eey doorkooda ka qaadaan taakuleynta xulka qaranka Somaaliyeed(Inshaa Allah Guul).
 
Hadii aan Ciyaarta kubada cagta ka hadlay waxaan mudan xusid ama xasuusta xidigihii kubadda Cagta Somaaliyeed kuwii ugu caansanaa tusaale aahaan keliya:-Saciid Ducaalle,Binshaakir, Mukhtaar Cuti,C/Laahi Cabdi(AUN),Shiikhaaloow(AUN)Nuur Gaab,Axmed Saqiir(AUN)Shaash,Axmed Nuur Jeenyo,Saqaaq,Jeylaani Khaliif,Iskoot,Kiler,M.Xaaji,Riiko,Cali Muuse Yoonis,Shariif Xamsa,C/Ladiif Jeenyo,Joorge,Xamaama,Sacad(AUN),Muridi Abati,Axmed Boodiste(AUN),Saciid Ismaaciil,Aden Jaziira,Ayuub,Cambar,Senigaal,Cabdalle Quuq,Saciid Ceyroow,Sharkeey,Cumar Calasoow,Jimcaale(AUN),Cabdi Koos,Khaliif,Cabdi Boodiste,Geela,Cawil,Cadami,Deysane,Cabeey, Cumar Gedo,C/Ladiif Horseed,Cafiif,Maxamed Ismaaciil,Turubo,Shiine,Axmed Cabaas,Codeey(AUN) iyo boqolaal aan la soo koobi kareeyn,dhanka Macalimiinta ama tababarayaash tusaale ahaan:- Ustaad-Cumar Can-jeesto(AUN),Sudaani,Axmed Neegar(AUN),Giftiin,Axmed Boodiste(AUN)Kabee (AUN) Baskuwaale,Black(AUN),Cabdi Bodiste,Garaare(AUN),Cadde,Cabdi Kuus,,Teeri,geela iyo kuwo kaleba,sidoo kalle taageerayaal magac weyn ku lahaa garoomadda kubada cagta sida:-Madaxeey, Cali Wareento,Taataale,Maxamed Diiriye,Shariif Jeer,Al Qaadiri, Jareere, Xaajiga, Macoow, Cabdale (CAWO IYO MAALIN HORSEED-AUN)(Afeef Magacyadu Xasuusin keliya). 
 
 
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk.
-NOV-13-2011.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!