Xulka Qaranka Uganda oo ka badiyey Xulka Qaranka Somaliya

by admin | Tuesday, Nov 29, 2011

Xulka qaranka kubbadda cagta Soomaaliya oo ka qeyb galaya tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Afrika ayaa markii labaad laga guuleystay, kaddib markii 4 gool iyo waxba uu uga badiyay xulka Uganda oo ay ku wada cayaareen dalka Tanzania.

Cayaarta oo aad u adkeyd ayaa qeybteedii hore waxay dhammaatay iyadoo aanay labada xul kala dhalin wax goolal ah, hase yeeshee qeybtii dambe markii la isku soo laabtay ayaa cayaartoyda Uganda waxaa u suuragashay inay afar gool dhaliyaan, sidaas ayayna ku soo idlaatay cayaartii.

Xulka qaranka kubbadda cagta Soomaaliya oo u muuqda mid ka haray tartanka ayaa 1-da bisha December ee soo socota wuxuu la ballansan yahay xulka Zanzibar.

Labo kulan oo uu xulka Soomaaliya cayaaray waxaa laga dhaliyay 8 gool, halka uu isagu ka dhaliyay hal gool.

Dhinaca kale, xulka Malawi ayaa labo gool iyo waxba ugu awood sheegtay xulka Kenya, waana guushiisii ugu horreysay, cayaarta labada xul waxaa dhexdhexaadinayay garsoore Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Wiish.

Tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Afrika oo soo billowday 25-kii November ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 10-ka bisha December.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!