Xuquuqda haweenka ma midda Alaa mise waa midda reer Galbeedka. WQ: Omer Suleiman

by Yahye | Wednesday, Sep 19, 2012

Waxaa dhegaheenna ka batay xuquuqda haweenka ama xuquuqal Insaanka, sidaas darteed in aanan sidii la iiga bartay ka aamusin dhaqan xumada xukun Alle diidnimada ku dhisan waa arrin meesha ku jirta. Marka waxaan maanta aan diiradda saarayaa xuquuqda haweenka, waayo waxaan arkayey haween fara badan oo gobolada Soomaaliya oo dhan ka samaynaya buuq odhanaya xuquuqda haweenka waa in baarlamaanka nalagu daro. In kasta oo aan horay uga qoray maqaallo dhaadheer haddana waxba kama soo caano caddaan iyada oo maqaaladayda oo ka hadla inta badan dhaqamada Soomaalida lagana dhaxlay gumaysigii gaalada ahaa ee ummadda si toos ah iyo si dadbanba u xukunta ee khilaafsan kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka.

Shucuubta iyo dawladaha aan islaamka ahayn ayaa waxay ka faafiyaan diinta Islaamka aragtiyo been ah oo ay doonayaan in ay dadka ku nacsiiyaan xaqa ah. Allena horay ayuu arrinkaas noogaga digay markii uu lahaa sida aayaddan hoos ku qoran ku cad.

الَّذِينَ يَسْتَحِبُّونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الْآخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا أُولَئِكَ فِي ضَلَالٍ بَعِيدٍ(أبراهيم 3).

Aayaddan iyada oo labada ka horreeya ay ka hadlayaan in Allaha iska leh wax kasta oo ku sugan cirarka iyo wax kasta oo ku sugan dhulku uu isagu u gartay kitaabkan in dadka looga saaro mugdiga looguna saaro iftiin ay wax ku kala arkaan ciddii diiddaana mutaysanayaan cadaabta Weyl, ayay aayaddani ku gunaanadaysaa in kuwa diidani yihiin kuwa nolosha ifka ka jeclaystay midda aakhiro jidka Allena dadka iyo naftoodaba ka hor joogsada iyaga oo u samaynaya dhaliilaad aanay waxba ka jirin waxayna kuwaasi ku sugan yihiin baadinimo fogaatay oo aan ka so geyasho lahayn.

Marka waa caadada gaalada in ay waxyaabaha ah runta baraxa la’ ay dadka maangaabta ah si qaldan wax ugu sheegaan si ay iyaga iyo Eebahood u kala fogeeyaan ama u kala dilaan.

Allena waa uu noo sheegay sida ay aayaddan hoos ku dhigani noo sheegayso,

وَدَّ كَثِيرٌ مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَوْ يَرُدُّونَكُمْ مِنْ بَعْدِ إِيمَانِكُمْ كُفَّارًا حَسَدًا مِنْ عِنْدِ أَنْفُسِهِمْ مِنْ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ الْحَقُّ فَاعْفُوا وَاصْفَحُوا حَتَّى يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ إِنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ(البقرة 109)

In badan oo ka mid ah gaalada ayaa geed hoose iyo geed sareba u fuushay in ay dib idiin gaaleeyaan iyada oo ay ka tahay quudhi waa ay idiin quudhi la’ yihiin idinna dhaafi maayaan ee faraha ka qaada oo dantiinna ka wata inta Alle si uun u gelayo…

Dawladaha reer galbeedka ayaa dabada ka wadaan waxa ay ugu magaca dareen xuquuda haweenka waayo ma aha dad rumaysan Alle iyo rasuulka midna. Sidaas oo ay tahay waxay doonayaan in ay dadka Islaamka ah iyagu baraan diintooda.

Marka aan dib ugu soo laabto arrinka aan ka hadli rabo oo ah xuquuqda haweenka aan xaqa ahayn ee dad maleegayaan si ay dadka muslimiina ah u marin habaabiyaan. Iyada oo iga ah horu dhac waxaan lee yahay haweenka isu urursaday, ku doodaya in codkooda la maqlo oo lagu daro baarlamaanka iyaga oo qawadaya wixii Alle u gartayna doonaya in waxa beenta ah ee gaaladu ugu yeedhay xaquuqda haweenka u xusul duubaya iyo inta ay la qumman tahay rag iyo dumarba waa in ay si degdeg ah u toobad keenaan. Haddii kale waxay noqon doontaa arrintaasi musbaar weyn oo inta neceb ummadaha Islaamka ah ay ku kawiyeen shucuubta Islaamka in badanina ku baadiyoobi doono.

Dadka aan Islaamka ahayni waxay dhahaan diina Islaamku ragga iyo haweenka ma sinto. Marka caddaaladda laga waayey Alle iyo rasuulkiisa yaa laga sugayaa ma nin aan muslimba ahayn? Mana aha arrin ugub ah in dad aan iimaan lahayni sidaas oo kale u hadlaan. Waxaan idin xasuusinayaa in rasuulka oo qaybinaya xoolihii gaalada looga soo furtay dagaalkii Khaybar ayaa nin ku dhahay rasuulka qaybta aad samaysay caddaalad ma aha ee noo cadaalo sameey, wuxuuna ninkaasi bilaabay kooxda loo bixiyey Khawaarij.

4299 حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ كَثِيرٍ أَخْبَرَنَا سُفْيَانُ عَنْ أَبِيهِ عَنِ ابْنِ أَبِي نُعْمٍ عَنْ أَبِي سَعِيدٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ بُعِثَ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِشَيْءٍ فَقَسَمَهُ بَيْنَ أَرْبَعَةٍ وَقَالَ أَتَأَلَّفُهُمْ فَقَالَ رَجُلٌ مَا عَدَلْتَ فَقَالَ يَخْرُجُ مِنْ ضِئْضِئِ هَذَا قَوْمٌ يَمْرُقُونَ مِنَ الدِّينِ (البخاري 4299).

Haddaba haddii haweenka maanta Islaam sheeganayaa ay u arkaan in uusan Alle haweenka ugu cadaalo samayn kitaabkiisa miyaanay arrinkaas ku noqonayn Khawaarij haweenkaasi.  Waxaan haweenka uga digayaa in ay ku sii socdaan jidka Khawaarijta ayna ku kalsoonaadaan jaan gooyada Alle, haddii kale waxaa u dambayn doonta hungo iyo toobad seegid.

Ummadaha aan islaamka ahayn waxay diinta Islaamka ku eedeeyaan in aanay xaq ahayn in ninku guursado afar haween ah naagtana aan loo ogolayn in ay guursan karto afar nin.  Waxaa arrinkaas ka dhashay in ay naagtu diiddo in ninkeedu guursado naag kale, taas oo ay si cad ugu diiddan yihiin wax Alle ogolaaday. Aayadda Alle ku ansixiyey in uu ninku guursan karo ilaa afar haween ah waa tan.

وَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تُقْسِطُوا فِي الْيَتَامَى فَانْكِحُوا مَا طَابَ لَكُمْ مِنَ النِّسَاءِ مَثْنَى وَثُلَاثَ وَرُبَاعَ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تَعْدِلُوا فَوَاحِدَةً أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ ذَلِكَ أَدْنَى أَلَّا تَعُولُوا(النساء 3).

Haddii aad ka baqato in aad agoomadda u caddaalo samayn weydo iska fur oo guurso naago labo ama saddex ama afarba intii aad awooddo, haddii aad ka baqato in aad iyaga laftooda simi weydo hal kala hadh inta kalena iska fur ama wada fur oo addoomad haddii aad lee dahay iyada la hadh.

Wuxuu Alle cwj aayaddan kale noogu sheegay in:

Si kasta oo aad ugu dadaashaan ma awooddaan in aad haweenka u caddaalo samaysaan, ee waxaa la idinka doonayaa in aydaan ka wada jeedsan aydaanna ka dhibin wax aan meelna sudhnayn oo la kala garan waayo in la qabo iyo in aan la qabin, marka in aad heshiisaan dembiyadana iska ururisaan ayaa idin khayr badan Allena markaas lagama dembi dhaafid iyo naxaris badna.

وَلَنْ تَسْتَطِيعُوا أَنْ تَعْدِلُوا بَيْنَ النِّسَاءِ وَلَوْ حَرَصْتُمْ فَلَا تَمِيلُوا كُلَّ الْمَيْلِ فَتَذَرُوهَا كَالْمُعَلَّقَةِ وَإِنْ تُصْلِحُوا وَتَتَّقُوا فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَحِيمًا(النساء 129).

Wuxu kale oo Alle aayad kale noogu caddayanayaa in uu soo shiriyey nafaha ka farcamay ubadkii nebi Aadam, markaas ayuu ku dhahay, ma ahay Eebihiin markaas ayay dheheen haa, markaas ayuu ku dhahay waxaan marag idiinka dhigay si aydaan berri u dhihi nalooma sheegin.

وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِنْ بَنِي ءَادَمَ مِنْ ظُهُورِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَأَشْهَدَهُمْ عَلَى أَنْفُسِهِمْ أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ قَالُوا بَلَى شَهِدْنَا أَنْ تَقُولُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّا كُنَّا عَنْ هَذَا غَافِلِينَ(الأعراف 172).

Marka haweenka raggooda kula dagaalaya in uu guursaday gabadh uu Alle u jaan gooyey in uu guursado una dhasho ubadkii nafihii uu Alle la hadlay qaar ka mid ah. Marka hweenaydaasi sow ma noqonayso qof doonaysa in jaan gooyadii Alle ay ood afka ka saarto oo aan raalli ku ahayn.

Arrinkaas oo u noqonaysa in uusan Alle u caddaalo samayn haweenka taas oo keenaysa khawaarijnimo iyo ama riddo.

Waxaas oo dhan waxaan ugu jeedaa in aanay haweenku marna jaan gooyada Alle hadal ka soo celin, kuna raalli ahaadaan wixii Alle gartay waayo isaga mooyee cid kale oo run sheegtaa ma jirto. Runtii la sheegana Alle ayay ku sugnaatay oo laga soo xigtay.

Wuxuuna Alle dhahay الْحَقُّ مِنْ رَبِّكَ فَلَا تَكُنْ مِنَ الْمُمْتَرِينَ(آل عمران 60) .

Haweenka waxaa xukumaya ragga sidaas Alle ayaa gartay ka hadalna ma laha, ciddii isku dayda in ay diidaana waa ku iyada. Wuxuu Alle in uu raggu u yahay hoggaan ku sugay aayaddan hoos ku xusan.

الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَبِمَا أَنْفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ فَالصَّالِحَاتُ قَانِتَاتٌ حَافِظَاتٌ لِلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ اللَّهُ وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا(النساء 34).

Raggu waxay haweenka ku hoggaaminayaan abuur ahaan sida loogu kala talo galay jaan gooyo Alle ahaan iyo in uu raggu haweenka xoolahooda wax ka siiyo. Markaas ka dib ayay aayaddu haweenka amraysaa in ay si buuxd u maqlaan ugana dambeeyaan raggooda taas oo ah amar uu Alle siinayo haweenka, ogoobayna waa sida khayrka u ah haweenka. Markaas ayuu Alle isaga oo doonaya in haweenku ragga ka dambeeyo ayuu u ogolaaday raggu in haddii ay haweeneydu ninkeeda ku dhega adkaato uu mark hore waaniyo, haddii ay waanadu shaqayn weydana uusan la jiifsan, haddii ay iyana shaqayn weydana uu dhengadeeyo.

Waxaa beryahan dambe muuqanaysay haweenka Soomaaliyeed oo la wareegay xilka raggu iska lahaa iyaga oo soo saara wixii uu qoysku ku noolaan lahaa. Waxaan og nahay in ay haweenku sameeyaan ganacsiyo kala duwan mid xalaal ah iyo mid xaaraan ahba. Waxay haweenku iyada oo uusan muxrim la socon isaga gooshaan adduunka daafihiisa.

Qurba joogtana dhaqaalaha waxay dawladuhu u dhiibaan haweenka markaas ayay haweeneydii noqotay madax qoyska ninkii u talisay. Ragguna arrinkaas waxba waa ka qaban waayey waayo xilkooda ma garanayaan. Haddii arrinkii intii hore soo dhaaf, haweenkiina waxay bilaabeen in ay ku sii talax tagaan ka soo hor jeedsashada diinta xaqa ah, iyaga oo doonaya in noqdaan siyaasiyiin.

Waxaa loo diiday in ay qoyskeeda xukunto markaas ayay doonayaan in ay dal dhan xukumaan. Waxaas oo dhammina waa aragtiyo ka soo jeeda dad aan diinta Islaamka ehel u ahayn, doonayana in ay dadka diinta ka saaraan.

Marka waxaan haweenka Soomaaliyeed uga digayaa in ay gaaladu u soo marto gaalaysiinta ummadd. Waxaanna ku boorrinayaa in ay diidaan wax kasta oo ay uga hor imanayaan aayadaha Alle ee xaqa ah. Hana ogaadeen in waxa ay doonayaan Alle oo siiya mooyee aanay weligood helayn, marka in Alle seeg iyo adduunyo seeg ku wada dhaco yaanay door moodin oo aanay sirmin.

Haddaba haddii aynu milicsanno xagga abuurka waxa ragga iyo haweenku ku kala duwan yihiin, waxaan shaki lahayn in ruux waliba garan karo in haweenku awoodin in uu u dhaqmo sida ragga waayo, haweenku waa wershad soo saarta waxa Alle inta uu abuuray ugu sharafka weyn oo ah taranka aadamiga. Sida ku cad xadiiska mutafiqa ah ee ka sugnaaday rasuulka in uu Alle hooyada u ballan qaaday in ruuxii gooya uu isaguna goynayo ruuxaas, kana xaaraantimaynayo jannadiisa.

حَدَّثَنَا خَالِدُ بْنُ مَخْلَدٍ حَدَّثَنَا سُلَيْمَانُ قَالَ حَدَّثَنِي مُعَاوِيَةُ بْنُ أَبِي مُزَرِّدٍ عَنْ سَعِيدِ بْنِ يَسَارٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ خَلَقَ اللَّهُ الْخَلْقَ فَلَمَّا فَرَغَ مِنْهُ قَامَتِ الرَّحِمُ فَأَخَذَتْ بِحَقْوِ الرَّحْمَنِ فَقَالَ لَهُ مَهْ قَالَتْ هَذَا مَقَامُ الْعَائِذِ بِكَ مِنَ الْقَطِيعَةِ قَالَ أَلَا تَرْضَيْنَ أَنْ أَصِلَ مَنْ وَصَلَكِ وَأَقْطَعَ مَنْ قَطَعَكِ قَالَتْ بَلَى يَا رَبِّ قَالَ فَذَاكِ قَالَ أَبُو هُرَيْرَةَ اقْرَءُوا إِنْ شِئْتُمْ ( فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِنْ تَوَلَّيْتُمْ أَنْ تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ (محمد 22) ) حَدَّثَنَا إِبْرَاهِيمُ بْنُ حَمْزَةَ حَدَّثَنَا حَاتِمٌ عَنْ مُعَاوِيَةَ قَالَ حَدَّثَنِي عَمِّي أَبُو الْحُبَابِ سَعِيدُ بْنُ يَسَارٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ بِهَذَا ثُمَّ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ اقْرَءُوا إِنْ شِئْتُمْ ( فَهَلْ عَسَيْتُمْ ) حَدَّثَنَا بِشْرُ بْنُ مُحَمَّدٍ أَخْبَرَنَا عَبْدُاللَّهِ أَخْبَرَنَا مُعَاوِيَةُ بْنُ أَبِي الْمُزَرَّدِ بِهَذَا قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَاقْرَءُوا إِنْ شِئْتُمْ ( فَهَلْ عَسَيْتُمْ ) (البخاري 4455).

Haddii aan wax yar macneeyo xadiiskan wuxuu sheegayaa in markii uu Alle dhamaystiray abuurkii uu riximkii u dan sheegtay Alle markaas ayuu Alle uga dacwooday goysmada markaas ayuu ku dhahay iska aamus ma ku raalli gelinaysaa in aan gooyo kii ku xumeeya xiriiriyana kii ku wanaajiya markaas ayuu dhahay waa i deeqdaa, markaas ayuu Alle ku dhahay waa inoo sidaas. Hadaba hooyada intaas oo dhan Alle u ballanka qaaday miyuusan Alle u hiilin?

Hooyadu xilka Alle saaray ayaanay ka soo bixi karin haddii ay lee dahay iimaan sidaas darteed hooyadu ha ku kalsoonaato Allaha Raxmaanka ah, hana dhaafeen haweenku in ay u dhega raariciyaan dadka aan wax garadka ahayn.

Hooyadu waxay yeelataa uur markaas ayay wallacdaa oo cunto iyo joog iyo jiifba ka tagtaa, hooyo waxay wadda culayska ilmaha sagaal bilood, way foolataa markaas ayay dhashaa, umul ayay gashaa ilaa inta uu cunugga cimilada la qabsanayana habeen iyo maalin daryeelkiisa ayay u taagan tahay. Cunugga aadaabta wuxuu ka helaa hooyada waayo waa qofka uu inta ugu badan arko lana jooga. Marka caqliga saliimka ahi wuxuu na tusayaa in hooyadu isku qaban karin intaas iyo in ay reerka u soo xammaasho sida ragga. Waana sida uu Alle wax u jaan gooyey, haddii la khilaafo jaan gooyada Allena dhibaato xoog leh oo noqon karta cadaab adduunyo iyo mid aakhiraba ayaa ka dhalanaysa.

Sida aayadda ka muuqata haweenku ma noqon karaan madax haba yaraatee, waana jaan gooyada Alle ee haweenku miyaanay ku noqon karin raalli sida Alle doonayo, haddiise ay diidaan wax ma ka beddeli karaan oo guul iyo khayr ma ku gaadhi karaan.

Waxay kale oo aayaddu sugaysaa in ay naagtu ka dambayso ninkeeda ama raalli ku ahaw ama ha ku ahaane waa kugu qasab in ay naagtu ka damabyso ninkeeda. Haddii ay diiddana wax aan cadaab adduunyo iyo mid aakhiro ahayn kalama kulmayso.

Waxay kale oo gaalada iyo munafaqiintu ay u kabaalan yihiin sidii ay haweenka uga dhaadhicin lahaayeen in markii la dhaxlayo wiilku qaato saamiga laba gabdhood ay tahay caddaalo darro.  Qofka sidaas dhahaa ma Ilaahii abuurtay ayuu ka caadilsanaan karaa, waa gaalnimo bareer ah waana Khawaarijnimo diinta looga baxayo ee haweenka iyo ragguba ha ka digtoonaadeen in ay si doqniimo leh ugu bixin diintooda.

يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنْثَيَيْنِ فَإِنْ كُنَّ نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ وَإِنْ كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِنْ كَانَ لَهُ وَلَدٌ فَإِنْ لَمْ يَكُنْ لَهُ وَلَدٌ وَوَرِثَهُ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ الثُّلُثُ فَإِنْ كَانَ لَهُ إِخْوَةٌ فَلِأُمِّهِ السُّدُسُ مِنْ بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِي بِهَا أَوْ دَيْنٍ ءَابَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ لَا تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا فَرِيضَةً مِنَ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا(النساء 11).

Aayaddan wuxuu Alle si cad noogu sheegayaa in dhaxalka uu wiilku yeelanayo saamiga laba gabdhood waana taas cadaaladda iyo sinnaantu. Waxaad og tihiin in gabadha uu mas’uul ka yahay walaalkeed haddii aan la qabin aabeheedna dhintay. Sidaas oo ay tahay haddana lama ogola in wiilku uu afkaas saaro wixii ay dhaxalka u heshay haddii aanay iyadu siinin oo u garan. Marka miyaanay cadaalad iyo sinnaan ahayn in marba haddii ay gabadhii wiilka wixiisii la lee dahay in wiilka loo sed buriyo. In kasta oo aanay ahayn in wax shaki ahi kaa galo xaqa Eebe, haddana waa cilmi sax ah oo ay muuqato in ay xaq tahay.

Marka haweenku ma Ilaah nicmadiisa uu siiyey ayay qawadeen oo ay la noqotay in aadami shuraako la ahi ay abuurkiisa ka siinayaan inta uu isagu siiyey in ka badan. Waxaan haeenka Soomaaliyeed ee samaacadda qaatay in ay madax noqdaan u sheegayaa ama ku farxa ama ka naxa ee Alle idiinkuma talo gelin in aad madax noqotaan arka aayadda 34aad An-Nisaa ee kor ku qoran

Haweenku muxrim la’aan safar ma aadi karaan, qol keli kulama noqon karaan nin geya, gacan qaadi nin geya, marka haddii ay noqoto siyaasiyad intaas oo amar oo Alle bixiyey ayay jebinaysaa. Waxaana garanayn waxa ay ka dheefayso naagtu in ay xuduudda Alle jebiso. Hana ogaadeen in wax uusan Alle u garan oo siinin aanay helayn.

Dawladaha Yurub iyo dawladaha Islaamka ah haweenka si kala duwan ayay ula dhaqmaan. Dawaladaha Yurub qofna qof la dhashay, ama uu dhalay ama isaga dhalay wax ma siiyo haddii ay naftu ka sii socoto gaajo awgeed. Sidaas darteed in haweenku raadiyaan xuquuq tan ragga oo kale ah waa suurto gal, hase yeeshee haweenka Soomaaliyeed kan qaba, kan la dhashay iyo kii dhalayba waajib Alle saaray ayay haweenka kula dhaqmaan. Sidaas darteed wax gaar ah ma dooni karaan waayo iyaga ayaa loo wada roon yahay.

CULUMADA SOOMAALIYEED

Waxaan aad uga xumahay in aanay culumada Soomaaliyeed, raggii qabay haweenka jago doonka, kuwii la dhashay iyo kuwii dhalay toona ay kaa aamusan yihiin in ay haweenka ka badbaadiyaan fitnada ku socota. Waxaana jeclaan lahayn si uu annaga lafyada qalbigu noogu dego in TV-yada Soomaalidu ay soo ban dhigaan dood ay isugu imanayaan culumadu ugana hadlayaan arrimaha haweenku ku socdaan si ay xaqa ugu baraarujiyaan. Haddii kale culumada iyo miidiyaha midkoodna ma gudan xilkii saarnaa.

Haddii la dhiso dawlad wada haween ah shar mooyee maxaa khayr ah oo ay keenayaan, waayo meel Alle looga cadhaysiiyey khayr lagama filayo. Hal jid oo keliya ayaa khayrka lagu gaadhaa, kaas oo ah kan uu Alle ku caddeeyey aayaddan hoos ku dhigan.

وَأَنَّ هَذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَنْ سَبِيلِهِ ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ(الإنعام 153).  

Waa kaas jidkayga toosani ee raaca hana marin jidad kale oo idinka leexiya jidkayga sidaas ayuu idinkula dardaarmayaa si aad cadaabkiisa uga tabaabushaysataan.

Anigu waxaan qoraa waxyaabo dhiirri gelinaya dhaqanka Islaamka, waxaan mahad u soo jeedinayaa websityada Somaliland waxaanna canaan kulul u soo jeedinayaa kuwo koonfurta Soomaaliyeed oo u bartay in ay sharka mooyee qorin khayrka.

 

Omer Suleiman Ali

11/09/12

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!