Xuska munaasabada maalinta haweenka aduunka oo lagu qabtay Beledweyne

by admin | Sunday, Mar 8, 2015

Beledweyne : HN :– Iyadoo maanta guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya looga dabaal-dagayo xuska munaasabada 8 Maarso ayaa siddan si la mid ah magaalada Beledweyne, waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu maamusayo maalinta haweenka aduunka.

Munaasabada waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo iyo xubno ka socda ururada haweenka.

Haweenkii ka qeyb-galay munaasabada ayaa marka laga soo tago dabaal-dagga ay la qeyb-sadeen haween weynaha adduunka, waxay18 sheegeen in ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo heysta haweenka Soomaaliyeed, ilaa iyo haddana aan tallaabo muuqata laga qaadan.

Gaar ahaan waxay si wadda jir farta ugu fiiqeen tacadiyada dhinaca jinsiga ee ku dhaca dumarka Soomaaliyeed, iyadoo sanadihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen xad-gudubyo loo geystay tiro haween Soomaaliyeed ah kuwaa oo u badnaa dar-yar looga faa’ideystay siinta gargaar bani’aadannimo.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoorre oo xafladda ka hadlay ayaa xusay in marnaba aan la iloobi karin doorka haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan guud ahaanba nolasha aadanaha, isaga oo sheegay in maamul ahaan ay u taagan yihiin ilaalinta xaquuqda haweenka.

Siddoo kale, waxaa munaasabada ka hadllay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sh. Xuseen Cismaan Cali oo sheegay in haweenku la-fabar muuqata u yihiin Qaranimada Somalia, isaga oo sheegay in ay door muhiim ah kasoo qaateen xoriyadii dalka oo ay naftooda ku waayeen.

Haweenkii ka qeyb-gallay munaasabada 08-da Maarso ee maanta lagu qabtay Beledweyne ayaa ugu baaqay dhamaan maamulada ka92 jira gobollada dalka iyo dowladda federaalka in ay hoos u eegaan xaquuqda haweenka Soomaaliyeed oo sidda ay sheegeen in badan la oran karo waa ay ka gaabiyeen ilaalinteeda.

Baaqa haweenka gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili wasiirka wasaarrada haweenka iyo hormarinta xuquuqul Insaanka Sahro Max’ed Cali Samatar sheegtay in wixii hadda ka danbeeya dowladda Soomaaliya u dul-qaadan doonin tacadiyada kala duwan ee ku dhaca haweenka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!