Yaa lagu magacaabi karaa “Abwaan hebel?”. WQ: Bashiir Cali Xuseen.

by Yahye | Thursday, Jan 16, 2014

Banii’aadamku, sidiisaba magacyada seddaxan ee ay labadiisa waalid ugu walqaleen, isla markaana ay ee ugu yaraan seddex ka mid ihi ay si toos ah isu raaceyso, waxaan ka aheyn ee loogu yeeri karo naaneys un bey u noqonayaan, sidaasi darteed naaneysta ah (abwaan) ma aha mid ay cid waliba iska qaadan karto ee waa mansab hibo iyo hidda-raac faneed ku yimaada oo cidda sifahaas leh oo kaliya ay hanan karto inta ka soo harta ee hammi-raaca ahina ay samir dugsato oo aysan maanka gelinin hebelba abwaan baa la yiriye adna waa in lagu yiraahdo!!!.

Haddii uu jiro hal-abuure amaba curiye sanooyin badan suugaanta tix iyo tiraabba qeybaheeda kala duwan ku soo dhex jiray, luuqadda maansadana si fiican ugu hadla oo godadka isirrada maansada nuuca ay doonaanba ha ahaadeene kala dhig dhigi yaqaan iyo qofka hammi-raaca ah ee cindhaarashada ku helay hees ama dhowr tuduc oo geeraar ah xaq miyaa in ay wada qaataan magaca iyo heerka darajada ah abwaannimada?.

Kaba soo qaad hebel waa curiye hibo iyo hidda-raac leh, waa 60-jir dhan kastaba waaya arag ka ah oo dhaqanka iyo hiddaha ku dhaata dadkuna ay wada amaanaan, adiguna waxaa tahay qof iminka soo baaluqay oo 20 jirnimo sii tiigsanaya, waxaad un soo indha dillaacsatay iyada oo la gabyayo, la heesayo lana geeraarayo, kolkaasaad adna is tiri bal isku day waxani hebel lagu amaanayo, waxaa kuu suura gashay hees jacbur ah oo lagu la toos toosiyay muusig heer sara ahna lagu qurxiyay, markaa curiyihii lixdanka sano riwaayadaha iyo maansooyinka kala duwan bulshada u soo bandhigayay iyo adiguba waan hubaa inaad laba curiye ama laba hal-abuur wada tihiin, laakinse ma wada qaadan kareysaan magaca ama naaneysta ah “abwaan hebel” Jawaabtu waa maya!.

Haddii aad dooneyso in aad noqoto hal-abuure ama curiye tayo hanaqaad leh, waa inaadan noqon howtul hammag hammi-raac ah ee waa inaad ahaataa qof wax ka garanaya oo aqoon u leh waddada aan soo tilmaami doono ee ah halbeegga iyo cabbirka looga tusaale qaato ujeeddada iyo hannaanka maanso curinta guusha leh.

Ummaddu dal bey leedahay, dowlad bey leedahay, diin bey leedahay, dhaqan bey leedahay, hiddey leedahay, xeer bey leedahay

xeer beegti bey leedahay, beri mageydo ayey leedahay, bad bey leedahay birri bey leedahay, dhir bey leedahay geed kore iyo geed hoosaba leh iyo solan iyo saaqaba, sidoo kale waxey leedahay noole fara badan oo u kala qeybsama shan bahood oo kala ah ( bah naasleey … Bah baalalleey … bah xamaarato … bah cayaayaan iyo bah ili ma qabato oo dulin ah, sidoo kale guud ahaanba waxaa laga doonayaa inuu qalbiga ka daalacan karo sadaasha ama oddoroska timaaddada berrita ah, soona bandhigi karo dhacdooyinka tagtadii shalay iyo tan maanta taal!).

Haddaba qofka doonaya magaca abwaannimo amaba raba inuu qaato oo loogu yeero, waa inuu aqoon u leeyahay inta aan soo tilmaamay oo su’aalo laga weydiin karo awoodna u leh inuu si waafi ah uga wada jawaabo, isaga oo isku kalsooni muujinaya, runtiina sida ay ila tahay kaa ayaa la dhihi karaa “abwaan hebel”

Ugu danbeystii, waxaan bulshada u soo jeedinayaa, siiba bahda warfaafinta oo ah hormuudka xayeysiinta fanka, in ay ka fiirsadaan qofka ay ugu yeerayaan darajada naaneysta ah “abwaan hebel” waayo magaca ama naaneysta abwaan, waa qaamuuskii wax laga daalacan laahaa oo ereyada laga saxan lahaa, sidaasi awgeed qaamuus aan sax aheyn haddii aad wax ka raadiso ogow inuu kuu dirayo waddo khaldan oo aan aheyn jidkii saxnaa in gadaal laga saxana ay adkaan doonto, waxaana ila habboon, dadku curiyayaal wey wada noqon karaan, laakin abwaaniin ma wada noqon karaan ee qofka mudan ha la siiyo magaca iyo naaneysta ah “abwaan hebel”.

Barbaariye:-

Bashiir Cali Xuseen.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!