Yeela Alle, Rasuulka iyo kuwa aad idinku amarka u dhiibateen, WQ: Omar Suleiman

by Yahye | Friday, May 30, 2014

Mawduuca maqaalka waxaan ka soo qaatay aayadda 59 An-Nisaa oo ah sidatan:

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَطِيعُواْ اللَّهَ وَأَطِيعُواْ الرَّسُولَ وَأُوْلِي الأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ ذلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلاً(النساء 59).

Sida ka muuqata aayaddu waxay na baraysaa cidda ay tahay in aynu wax ka maqalno iyo cidda aan waxba laga qaadanayn. Dadku hadal kama keenaan in Alle iyo rasuulka wax laga qaato, hase yeeshee kuwa ay aayaddu ku magacawday وَأُوْلِي الأَمْرِ ayaa dadku ku muransan yahay kuwa ay yihiin, qaar waxay lee yihiin ruux kasta oo ummad Islaam ah xukuma ayaa ah وَأُوْلِي الأَمْرِ, qaarna waxay lee yihiin ma aha aniga ayaan ka mid ah, marka waxaan isku deyayaa in aan arrinkaas si cilmi ah u macneeyo.

the-quranUgu horrayn waxaa loo baahan yahay in marka hore la garto macnaha ereyga أَطِيعُواْ. Ereyga أَطِيعُواْwuxuu ka soo jeedaa ereyga طوع oo macnihiisu yahay u hoggaansanid sida طاع لفلان معنى إنقادaan ku imaan qasab iyo sandulayn ee khityaari ah, dadka luqadda yaqaan waxay dhahaan waxay ka macne rogan tahay كره oo ah qasbidda ama sandulaynta.

Marka wuxuu aayadda macnaheedu noqonayaa sidatan:

Kuwa Alle iyo rasuulka rumeeyaw waxa uu Alle idiin sheegayo iyo wax uu rasuulku idiin sheegayo iyo kuwa idinka midka ah ee aad talada u dhiibateen waxa ay idiin sheegayaan yeela ama ogolaada oo sinna ha ku diidina wax hadal ahna ha ku soo celinina, wax kasta oo aad isku qabataanna xalkeeda iyo garsoorkeeda ula laabta Alle iyo rasuulkiisa, haddii aad mu’minim Alle iyo maalinka xisaabka qiyaame rumaysan tihiin,  waayo sidaas ayaa idiin roon abaal gud wanaagsanna ku gaadhaysaan.

Waxay aayaddu ku bilaabaysaa hadalkeeda يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ haddaba waa kuwee kuwa mu’miniinta ahi? Waxaa ah ummadda nebi Muxammad gaar ahaan inta rumaysay ee raacday nebiga sidaasina waxay ku cad dahay aayaddan hoos ku dhigan.

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُواْ وَالَّذِينَ هَادُواْ وَالنَّصَارَى وَالصَّابِئِينَ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ وَعَمِلَ صَالِحاً فَلَهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ وَلاَ خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلاَ هُمْ يَحْزَنُونَ(البقرة 62).

Kuwa Alle iyo rasuulka raacay ee rumeeyey, kuwa Yuhoodda ah, kuwa Kiristaanka ah  iyo kuwo aan intaas midna ahayn …..

Ilaah mu’miniinta wuxuu noogu macneeyey meel kala duwan oo ka mid ah Quraanka waxaana jirta suurad dhan oo la dhaho suuratul Mu’miniin سورة المؤمنون

Waxayna ku bilaabaysaa

قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ1. * الَّذِينَ هُمْ فِي صَلاَتِهِمْ خَاشِعُونَ2. وَالَّذِينَ هُمْ عَنِ اللَّغْوِ مُّعْرِضُونَ3. * وَالَّذِينَ هُمْ لِلزَّكَـاةِ فَاعِلُونَ4. وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ5. * إِلاَّ عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ6. * فَمَنِ ابْتَغَى وَرَآءَ ذلِكَ فَأُوْلَـئِكَ هُمُ الْعَادُونَ7. * وَالَّذِينَ هُمْ لأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُو8. * وَالَّذِينَ هُمْ عَلَى صَلَوَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ9. * أُوْلَـئِكَ هُمُ الْوَارِثُونَ10.

Waxaa liibaanay mu’miniinta. Kuwaas oo ah kuwa salaadda dhexdeeda ku qushuuca. Hadalka macno darrada ahna diida. Zekadana dhiiba ee aayna ku baaqan. Xubin tarankoodana xaasaskooda iyo addoomadooda oo aan dembi ku ahayn mooyee cid kale oo dhan ka ilaaliya. Amaanada iyo ballamada ay qaadeenna ilaaliya. Kuwa salaadahooda joogteeya. Iyaga ayaa jannada Firdawsa dhaxlaya.

Haddii aan soo koobo waa dadka aan gelin dembiyada ee sida buuxda uga feejig in ay dembi galaan sidaas darteed dembi ay og yihiin dembinimadiisa ma gelayaan kii ay aqoon darro u galaanna way ka toobad keenaan, Allena waa uu ka aqbalaa toobadda.

Marka وَأُوْلِي الأَمْرِ -gu waa dadka noocaas ah qof ka mid ah oo ay xilka u dhiibteen ee ma aha qof ay gaalo iyo munaafaqiini xil u dhiibteen. Waxaana ka mid ahaa Abubakar, Cumar Bin khadaab, Cuthmaan Bin Cafaan Cali Bin Abii daalib iyo kuwo kale. Waxayna ahaayeen khulafadii nebi Muxammad csw jidkiisii ayayna dadka ku wadeen. Haddii ay adeeceen rasuulkana Allena way adeeceen مَّنْ يُطِعِ الرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ اللَّهَ وَمَن تَوَلَّى فَمَآ أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظاً(النساء 80) .

Marka وَأُوْلِي الأَمْرِwaa qof mu’min ah oo ay mu’miniini xilka u dhiibteen waxayna ku dooranayaan astaamo wanaagsan oo khayr ah oo uu lee yahay. Sidaas darteed qofkaasna waa in wax laga qaataa lana yeelaa.

Halkaas waxaa ku hadhaya dadka aanay mu’miniini xil u dhiiban ee ay munaafaqiin iyo gaalo xil u dhiibteen. Maanta haddii aynu daraaso samayno dadka Soomaaliyeed waxay intooda badani lee yihiin astaamaha munaafaqiinta sidaas darteed ayaa madaxda dalka intooda badani yihiin munaafaqiin gaalo jecel Islaamna neceb.

Xaq ma aha maba bannaana in la adeeco dawlad aan ahayn khilaafa Islaamiya, sidaas darteed waxaa reebban ama xaaran ah laguna shirki mudanayaa in la adeeco dawladda dhexe ee Federaalka, kuwa la kala  baxay Somaliland, Puntland, Jubbaland, woqooyi Konfooreed, xibin iyo xeeb, galmudug iyo kuwa kale ee hadda ay gaaladu doonayaan in ay dhisaan.

Dawladaha noocaas ahi waa kuwo ka soo jeeda boqoradii sheegan jiray Ilaahnimada sidii Fircoon welina way ka muuqata astaan Ilaah sheegasho ahi.  Markii ay dad xornimo ku dhashay ay addoonsadeen oo inta ay sharci, booliis, maxkamad iyo xabisyo u dhisteen kii ka amar diida dhibaataynayaan.

Ilaah keliya ayaa xaq u leh in uu addoomadiisa kii xunna cadaabo kii fiicanna janneeyo kuwase dawladda sheeganayaa dhib iyo dheeftoona kuuma hayaan.

مَّآ أَصَابَكَ مِنْ حَسَنَةٍ فَمِنَ اللَّهِ وَمَآ أَصَابَكَ مِن سَيِّئَةٍ فَمِن نَّفْسِكَ وَأَرْسَلْنَاكَ لِلنَّاسِ رَسُولاً وَكَفَى بِاللَّهِ شَهِيداً(النساء 79).

Wax kasta oo khayr ah oo aad heshid Alle ayaa ku siiyey oo kuu gartay wax kasta oo dhibaato ah kugu dhacana adiga ayaa isu soo jiiday, waxaadna tahay rasuula aannu dadka u soo dirnay Alle ahaana kaaga ah marag, maragga Allena lagama cusla.

GUNAANAD

Waxaa وَأُوْلِي الأَمْرِloola jeedaa qof mu’min ah oo ay mu’miniini xil u dhiibteen. Madax ay munaafaqiin iyo gaalo is bahaystay sameeyeen ma aha وَأُوْلِي الأَمْرِ, sidaas darteed madaxda maant jirta iyo kuwii ka horreeyey midna ma aha وَأُوْلِي الأَمْرِlama adeeci karo. Arrinkaasna culumada Soomaaliyeed ayaa ka gaabisay in ay nagu baraarujiyaan. Ciddii daacad u noqota ee adeecdaa waa mushrikiin caabuda madaxdaas ay Alle ka sokow daacadda u yihiin.

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOMER SULEIMAN ALI                                                     28/05/14

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!