Yurub oo taliye cusub u magacowday tababarka ciidanka Soomaaliya

by admin | Thursday, Feb 5, 2015

Muqdisho; HN;- Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub ayaa shalay u magacaabay sarreeye-guuto Antonio Maggi oo u dhashay dalka Talyaaniga in uu noqdo taliyaha cusub ee tababarka howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

General Maggi ayaa 8-da bisha March ee soo socota xilka si toos ah ugala wareegi doona general Massimo Mingiardi oo xilkaas hayay tan iyo bishii December ee sanadkii 2013, sida lagu xusay warbixin uu soo saaray Midowga Yurub.

ciidan-tababaranaya4Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa billowday sanadkii 2010-kii, wuxuuna ka shaqeeyaa sidii loo abuuri lahaa Soomaaliya oo barwaaqo ah, dimuqraaddi ah oo xasilloon. Howlgalka ayaa ilaa haatan ka qeyb qaatay tababarka in ka badan 4,000 oo askari oo Soomaali ah.

Warbixinta Midowga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka uu talooyin dhinaca siyaasadda ah iyo kuwo istiraatiijiyada ah siiyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo madaxda ciidanka difaaca ee horumarinta laamaha ammaanka.

Waxaa sidoo kale uu howlgalku talooyin siiyaa milateriga Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd nidaamka tababarka milateri ee laga leeyahay dalka.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa xarun ku leh magaalada Muqdisho tan iyo bishii January ee sanadkii 2014.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!