Yuulku baxyaye Culusow iyo kan cusub qilaaf kale ma ka baaqsan doonaan

by Yahye | Tuesday, Nov 11, 2014

Hiiraan Net: – Waxay u egtahay in ay soo afjartay wax kasta oo waanwaan iyo wada hadashiin ah, shirkii ugu dambeeyeyna xalay ayay ku kala kaceen madaxda dalka iyo wakiilada beesha caalamka oo ka dhacay Xalane.

Waxa haray ee kaliya la sugayo waa madasha baarlamaanka iyo goorta mooshinka codka kalsoonida la horkeenayo.

Sida aad sawirkaba ka arki kartaan in Ra’isulwasaare Cabdiwali uu ka badbaado dabinada u yaala ee tirada badan waa wax suurtogalnimada ka fog marka dhinac kasta laga miisaano, laakiin in xil ka qaadistiisa ay sax tahay iyo in kale waa dood kale oo lagu soo daalay.

Xildhibaan Cabdirishiid Xidig oo shalay ka hadlay kulan ay warbaahinta u qabteen gudi ay iska saareen xildhibaanadii mooshinka ayaa yiri “Waxa kaliya oon rabno waa in la helo xukuumad ay wada shaqayn karaan laamaha kale ee dowladda, haddii Ra;isulwasaarihii uu qaatay go’aan uusan madaxweynaha la ogeyn, waxaa dhacaysa in wasiirkana uu qaato go’aan uusan Ra’isulwasaaraha la ogeyn, agaasimahana sidaasi ayuu yeelayaa, haddii ay taasi dhacdana aawey dowladnimadii aan raadineyney?” ayuu isweeydiiyey, hadalkaasi oo uu sacab weyn u dhacay.

Waxaa xusid mudan in xildhibaanadan markii ay shirka qabanayeen uu markaasi socdey shirkii madaxda dowladda iyo wakiilada beesha, waxayna dadka odorasayeen in madaxweynaha iyo xildhibaanada is ogaayeen.

Marka aad tagto hoteelada laga hufjinayo mooshinka iyo siyaasadda dowladda warka rasmiga iyo dareenka yaala waa in Ra’isulwasaaraha uusan sii joogeynin xilka, waxa ay ku mashquulsanyihiina ay yihiin qofkii badali lahaa.

Ra’isulwasaare Cabdiwali dhankiisa ayaa waxaa kasoo hartay aamusnaan farobadan, mana jirto wax war ah oo uu siiyey saxaafadda tan iyo intii uu khilaafka soo shaac baxay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la oran karaa in uu soo xirmay baalkii taariikhda ee xukuumada Cabdiwali, balse waxaanan marnaba soo xirmi doonin khilaafka madaxda Soomaalida oo halkiisa kasii socon doona, waxaana u sababa dastuurka qaabka daran ee qodobkastaa kan kale ka hor imaanayo, iyo baarlamaan aan u shaqeyn si muwaadinimo leh

KN/Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!