Yuusuf Dabageed oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan

by wadani | Sunday, Dec 20, 2015

Beledweyne :HN : – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya u magacaabay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo labba mar oo hore guddoomiye uga soo noqday gobolka.index

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in si rasmi ah guddoomiyaha maamulka gobolka loogu magacaabay Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed oo badalaya guddoomiyihii hore Cabdifitaax Xassan Afrax oo wali loo heysto dacwad la xiriirta dilkii sarkaal ka tirsanaa QM loogu geystay bartamaha magaalada Beledweyne.

Inkastoo aysan wali shaacin dowladda magacaabista guddoomiyaha maamulka gobolka Yuusuf Daba-gaeed haddana waxaa arinta inoo xaqiijiyay ku-xigeenka guddoomiyaha maamulka gobolka ee arrimaha siyaasada iyo ammniga Max’ed Ibraahim.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonna..

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!