Yuusuf Xassan oo ku guuleystay kursiga degmada Kamukunji doorashada dalka Kenya

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013

IMG_0050Nairobi : HN :  Iyadoo dalka Kenya wali lagu guda jiro tirinta codadka doorashada qeybaha kala duwan ee ka qabsoomtay dalkaasi Kenya, ayaa wararka ka soo baxaya natiijada doorashada degmada Kamukunji waxaa ay sheegayaan in Yuusuf Xassan uu siweyn ugu guuleystay kursiga xildhibaannimada degmada.

Natiijo ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada dalka Kenya ayaa sheegaya in uu guul weyn ka gaaray xildhibaan Yuusuf Xassan kursiga degmada Kamukunji ee xaafadda Islii, islamarkaana uu yahay xidhibaannka degmada.

Yuusuf Xasan ayaa bishii April ee sanadkii 2011 noqday xildhibaanka Kamukunji, isagoo ku soo baxay doorashooyin ku celis ah oo xilligaas la qabtay.

Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ayaa siweyn ugu faraxsan maqalka warka ku saabsan in uu soo baxay xildhibaan Yuusuf Xassan oo ay siweyn codkooda u siiyeen.

Muddadii uu hayay xilka xidhibaannimo ee Kamukunji wuxuu wax badan ka qabtay adeegyada bulshada xaafadda Islii sida ammaanka, nadaafadda iyo dhismayaasha waddooyinka iyo qeybo kale.

Yuusuf Xassan ayaa dabayaaqadii sanadkan ku dhaawacmay qarax lagu tuuray masaajid ku yaalla xaafadda Islii oo uu ka soo baxayay.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!