Zakariye Ismaaciil oo ahaa sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo sheegay in uu nabada qaatay

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Muqdisho : HN :-Sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ka soo goostay xarakada Al-shabaab, iskuna dhiibay bishii lasoo dhaafay ee Decemer 2014-kii, ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sheegay inuu qaatay nabadda.

Shir Jaraa’id oo uu qabtay Zakriya Ismaaciil ayaa ku sheegay inuu ahaa xubin ka tirsan Al-shabaab oo aan xilal kala duwan u soo qabtay. Waxaanan rabaa inaan ka hadlo arrimo kala duwan oo muddo soo jiitamayay oo uu ALLE (SW) maanta I waafajiyay.

Ujeeddooyinkii ururka Al-shabaab uu ku billowday oo ahaa kuwo dad badan ay niyad ay u muujiyeen niyad wanaag soona jiitay.IMG_0014-620x350 Haddana nasiib-darro waxaa dhacday in waddadaas ay majaro-habaabiyeen shaqsiyaad dano gaar ah oo gurracan watay, fara-galin iyo aragti shisheeyana aysan ka marnayn.

Xaaladuna waxay ku danbaysay in:-

1- in laga beensheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xadgudub diineed.
2- Midnamadii iyo wada tashigii ururka oo meesha ka baxay.
3- Xariirkii bulshada oo xumaaday loona turi waayay.
4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo gaystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaaba.
5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado dhiigga muslimkana lagu xalaashaday.

Waxaa xaqiiqa ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanyahay rag fara kutiris ah oo hogaanka ururka kamid ah, waxaana jira dad badan oo an qabin arinkaas kuna qanacsanayn sida wax u socdaan.

Haddaba waxaan cadaynaayaa maanta wixii ka danbeeya in aan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, mabaadiidayda iyo fikirkayga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo isfaham; oo aan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xaliyo.

Waxaan ugu baaqayaa kuna dhiiri galinayaa ragga saaxibaday ah in si wadahadal iyo nabadgalyo ah wax lagau xaliyo maadaama uu ururkii ku yimid burbur iyo kala tag, anigana halkan waxaan u imid sidii aan arinkaa ooga howl gali lahaa.

Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinaayaa dawladda soomaaliyeed sida qadarinta iyo xushmada mudan ee ay noo soo dhaweeysay. Waxaa an aad ugu faraxsanahay in manta ay jirto Dawlad Somaliyeed oo sharciya oo danaynaysa xuquuqda dhamaan bulshada Somaliyeed.

Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin aragtida ay dadbadan oo ururka ka mid ahi aaminsan yihiin in dawladu ku xadgudubto xuquuqda muwaadinka, iyo in loo gacangeliyo gacan shisheeye.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!